Sawirro: Al Bashiir oo isagoo dullaysan qiray in uu 90 Milyan oo Dollar ka qaatay Sacuudiga!.

Tuesday August 20, 2019 - 08:58:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Bashiir oo isagoo dullaysan qiray in uu 90 Milyan oo Dollar ka qaatay Sacuudiga!.

    Markale madaxweynihii hore ee dowladda dabadhilifka Suudaan Cumar Xasan Al bashiir ayaa kasoo muuqday maxkamad ay gacanta ku hayaan ciidamada melleteriga oo kutaal magaalada Al Khurduum.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markale madaxweynihii hore ee dowladda dabadhilifka Suudaan Cumar Xasan Al bashiir ayaa kasoo muuqday maxkamad ay gacanta ku hayaan ciidamada melleteriga oo kutaal magaalada Al Khurduum.


Al Bashiir oo xiran dharka dhaqanka ee ay caanka ku yijiin shacabka wadanka Suudaan ayaa kasoo dhax muuqday qafis shabaq ka samaysan isagoo ammaankiisa ay si aad ah u ilaalinayeen ciidamo katirsan booliska iyo melleteriga, mid kamida baarayaasha maxkamadda daaquudka Suudaa ayaa sheegay in Al bashiir uu qirtay qaar kamid ah dambiyadii lagusoo eedeeyay.

Al Bashiir wuxuu sheegay in lacago malaayiin doollar ah uu ka qaatay dowladda Sacuudiga waxaana loosoo marsiiyay nin lagu magacaabo Cabdi Raxiim daqluu oo ay walaala yihiin taliyaha ciidamada falcelinta degdegga ah islamarkaana ah ku xigeenka golaha Melleteriga KMG ah ee hadda talada haya.


 
Lacagta Al Bashiir uu ka qaatay Sacuudiga ayaa gaaraysay 90 Malyan oo doollar wuxuuna lacagtan qaatay xilligii uu Sacuudiga maamulayay Cabdalla Bin C/Caziiz.

Al bashiir oo maxkamadayntiisa ay daawanayeen dad farabadan oo suudaaniyiin iyo afrikaan ah ayaa marmarka qaar isku dayaye in uu dhoola caddeeyo si uu isaga khafiifiyo ihaanada loo geystay, sawirro lagasoo qaaday goobta ayaa muujinayay isagoo dhax fadhiya qafis shabaq ka sameysan marmarka qaarna wuxuu ahaa mid istaagayay.

dacwad soo oogayaasha ayaa albashiir iyo qoyskiisa ku eedeeyay boobka hanti dadweyne islamarkaana uu ku kacay musuq maasuq iyo xatooyo waxaana xusid mudan in ay xiranyihiin qaar badan oo kamid ah gacan yarayaashiisa halka kuwa kale oo kamid ahaa saaxiibadiisi gaarka ahaa ay melleteriga hoggaaminayaan.

Bishii Apriil ee sanadkan ayay melleteriga dowladda Suudaan Inqilaab aan dhiig ku daadan talada uga tuureen albashiir oo muddo 30 sanadood ah wadankaas soo maamulayay.







Related Items