Maleeshiyaad daacad u ah Xukuumadda Dubai oo qabsaday gobolka Abyen.

Tuesday August 20, 2019 - 08:01:07 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad daacad u ah Xukuumadda Dubai oo qabsaday gobolka Abyen.

    Dagaallo culus ayaa dib uqarxay koonfurta wadanka Yemen maalmo kadib markii ay maleeshiyaad daacad u ah imaaraatka carabta lawareegeen gacan ku heynta caasimadda KMG-ka u ah wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa dib uqarxay koonfurta wadanka Yemen maalmo kadib markii ay maleeshiyaad daacad u ah imaaraatka carabta lawareegeen gacan ku heynta caasimadda KMG-ka u ah wadankaasi.



Wararka ka imaanaya gobolka Abyen ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan ay saaka aroortii hore ka bilaawdeen magaalooyinka Zunjibaar iyo Al kuud oo dhammaantood katirsan gobolka Abyen, maleeshiyaadka lagu magacaabo Al xizaamul Amni ee imaaraatku tababaray ayaa hareereeyay saldhigyada ciidamada xukuumadda taakta daran ee Cabdi Rabih kadibna waxaa bilaawday iska hor'imaadyo fool ka fool ah.

Mucamar Al-aryaani oo ah wasiirka warfaafinta ee xukuumadda magac uyeelka ah balse haysata aqoonsi caalami ah ayaa warbaahinta u sheegay in saldhigyada ciidamadooda lahareereeyay islamarkaana amar lagusiiyay in ay isku dhiibaan maleeshiyaadka golaha KMG-ka Koonfurta Yemen ee daacadda u ah dowladda imaaaraatka.



Dagaalladan ayaa imaanaya xilli isbahaysiga carabta uu qorshaynayay in kulamo dib u heshiisiin ah loo qabto dhinacyada isku haya maamulidda magaalada caden oo ah magaalada 2-aad ee wadanka ugu weyn.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items