Dowladda Qadar oo lagu Wareejiyay Mashruuca dhismaha degmada Hobyo.

Tuesday August 20, 2019 - 10:12:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Qadar oo lagu Wareejiyay Mashruuca dhismaha degmada Hobyo.

    Wafdi heer wasiirro ah oo ka socday dowladda Qadar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxayna kulamo laqaateen Xasan Cali Kheyre iyo mas'uuliyiin kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi heer wasiirro ah oo ka socday dowladda Qadar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxayna kulamo laqaateen Xasan Cali Kheyre iyo mas'uuliyiin kale.

Muxamed bin Cabdu Rahman Al-Thaani oo ah wasiirka arrimaha dibadda Qadar iyo wasiirka dekadaha ayaa lagu wareejiyay dhismaha mashruuca dekadda Hobyo.

Xasan Cali Kheyre iyo hoggaamiyaha maamulka Galmudug ayaa madashii kulanka ka sheegay in dowladda Qadar ay qaadatay qandaraaska dhismaha dekadda Hobyo.

Dhinaca kale Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa isna xaqiijiyay in Qadar ay dhisi doonto dekadda Hobyo, arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli xukuumadda Dooxa ay dagaalka kala dhaxeeya xulufada Imaaraatka iyo Sacuudiga usoo rartay dalka Soomaaliya.

 

Qadar oo xurguf dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah kala dhaxayso Sacuudiga iyo imaaraatka ayaa dadaal dheeri ah ugu jirta sidii shirkadda DP World ay uga eryi laheed gobollada waqooyi Bari iyo waqooyi galbeed Soomaaliya.

Warbixin bishii lasoo dhaafay uu daabacay Wargeyska New York Timesayaa wajiga ka fayday damaca fog ee dowladda Qadar ka leedahay dekadaha Soomaaliya iyadoona qarax ka dhacay Boosaaso ay u adeegsatay kooxda Daacish garabka C/qaadir Muumin oo wada shaqeyn ay laleedahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items