Melleteriga Kenya oo garoonka Kismaayo ka celiyay diyaarad ay la socdeen saraakiil Itoobiyaan ah.

Monday August 19, 2019 - 09:44:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Kenya oo garoonka Kismaayo ka celiyay diyaarad ay la socdeen saraakiil Itoobiyaan ah.

    Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa wali ka taagan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa wali ka taagan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee gacanta ku haya garoonka diyaaradaha magaaladaasi ay dib uceliyeen diyaarad ay leedahay dowladda Itoobiya oo doonaysay in ay soo caga dhigato garoonka.

Mas'uul katirsan maamulka 'Jubbaland' ayaa warbaahinta maxalliga ah u xaqiijiyay in ciidamada Kenyaatiga ah ay amar kusiiyeen duuliyaha diyaaradda Itoobiyaanka ah in uu dib uceliyo diyaaradda.

Saraakiisha Melleteriga Kenya ayaa ka shakiyay in diyaaraddu ay sidday saraakiil Itoobiyaan ah oo fulinayay ajandayaasha dowladda Farmaajo oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Hoggaamiye Axmed Madoobe.

 

Isbuucyadii lasoo dhaafay magaalada Kismaayo waxaa si isdaba jooga h ugaarayay saraakiil sirdoon iyo mas'uuliyiin Itoobiyaan ah kuwaas oo Axmed Madoobe ku cadaadinayay in uu isaga haro tartanka madaxtinimada maamulka 'Jubbaland' waxaana xusid mudan in boqolaal kamid ah Melleteriga Itoobiya ay Kismaayo ku suganyihiin iyagoo wata shaatiga AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items