Saldhigyada Ciidamada AMISOM iyo dowladda ee deegaanka Bariire Oo Weeraro xooggan kala kulmay Al Shabaab.

Monday August 19, 2019 - 08:58:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyada Ciidamada AMISOM iyo dowladda ee deegaanka Bariire Oo Weeraro xooggan kala kulmay Al Shabaab.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in markale dagaallo xooggan ay ka dhaceen deegaanno katirsan gobolkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in markale dagaallo xooggan ay ka dhaceen deegaanno katirsan gobolkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda.

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay saldhigyo Melleteri oo ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda ay ka ku leeyihiin deegaanka Bariire.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray laba saldhig oo ay ku suganyihiin ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM iyo saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka dowladda gaar ahaan kuwa loo yaqaan Bangaraaf ee dowladda Mareykanka ay tababartay.
 


Dadka deegaanka ayaa sheegay in iska hor'imaadyo socday ku dhowaad hal saac ay ka dhaceen deegaanka waxaana la maqlayay hugunka rasaas iyo madaafiic ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in intii uu dagaalku socday ay xoogaga Al Shabaab la wareegeen dhowr difaac oo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay uga sugnaayeen deegaanka Bariire.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor laba weerar oo naf hurnimo lagu beegsaday saldhigga ciidamada Dowladda Federaalka ee degmada Awdheegle waxaana xigay silsilado weeraro ah oo ay lakulmayaan ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda ee ku sugan Sh/Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items