Al Shabaab Oo Sarkaal Ciidan ku dishay gudaha Magaalada Jowhar.

Sunday August 18, 2019 - 06:03:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sarkaal Ciidan ku dishay gudaha Magaalada Jowhar.

    dil qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dil qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha dhexe.

Wararka ka imaanaya gobolla Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay xalay gudaha magaalada Jowhar ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay khaarijiyeen sarkaal darajadiisa ciidan aheyd hal Xidigle, xoogaga dilka geystay ayaa sarkaalka horay ugasii qaatay qori AK47 ah oo uu watay.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan ka dhacay gobolka Sh/dhexe ee lagu dilay sarkaalka ciidan ee katirsan dowladda Federaalka sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items