Daawo Video: Shirkadda Ethiopian Airlines Oo Cuuryaamin dhaqaale ku bilaawday ganacsatada Soomaaliyeed.

Wednesday August 07, 2019 - 07:14:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Shirkadda Ethiopian Airlines Oo Cuuryaamin dhaqaale ku bilaawday ganacsatada Soomaaliyeed.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa duullaanka ay kusoo qaadday dalka Soomaaliya ku biirisay boob dhaqaale oo ka dhan ah shacabka soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa duullaanka ay kusoo qaadday dalka Soomaaliya ku biirisay boob dhaqaale oo ka dhan ah shacabka soomaaliyeed.


War Saxaafadeed ay soo saareen guddiga adeegga diyaaradaha Soomaaliyeed waxa ay ku muujiyeen cabasho ka dhan ah shiradda diyaaradaha Ethiopian Airlines iyagoo ku eedeeyay inay shirkadaas ay burburineyso adeegyadii ay shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed muddo dheer u qaban jirteen dadka Soomaaliyeed.

Guddiga ayaa in shirkadda diyaaradaha ee wadamada khaliijka iyo kuwo dalal kale ee Afrika ay ku jiraan tartan aan xalaal ahayn isla markaana burburinaya shaqo abuur Soomaaliyeed iyo kalsoonida shacabka.

 

Ganacsatada diyaaradaha Soomaaliya waxay si gaar ah uga cawdeen shirkadda diyaaradaha dowladda Itoobiya oo cuuryaamin dhanka dhaqaalaha ah ku haysa ganacsatada duulimaadyada ka shaqeysta kuwaas oo sodonkii sano ee lasoo dhaafay bulshada u hayay adeegyo dhanka duulimaadyada ah.

Waxaa xusid mudan in Farmaajo uu R/wasaaraha Itoobiya sanaddii lasoo dhaafay la saxiixday heshiis dhan walb ah waxaana kamid ahaa in shirkadaha dowlada Itoobiya ay ka shaqeysan karaan Soomaaliya

Hoos ka Daawo War Saxaafadeedka Guddiga Adeegga Diyaaradaha Soomaaliyeed;


Related Items