Afar Qarax oo ciidamada Burundi lagula beegsaday duleedka degmada Balcad.

Saturday August 03, 2019 - 10:05:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Qarax oo ciidamada Burundi lagula beegsaday duleedka degmada Balcad.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in markale qaraxyo lagu weeraray ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka gardarrada ah ku jooga dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in markale qaraxyo lagu weeraray ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka gardarrada ah ku jooga dalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in silsillada qaraxyo ah lala helay kolonyo ciidamo Burundi ah xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Gololeey ee dhaca duleedka degmada Balcad.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laba gaari oo nuuca gaashaaman ah ay waxyeello kasoo gaartay qaraxyada, illaa afar qarax ayaa la xaqiijiyay in lagu weeraray kolonyada gaadiidka ah ee ay la socdeen ciidamada Burundi.

Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus, Sabtigii lasoo dhaafay weerarka ka dhaca isla duleedka degmada Balcad ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 10 askari Burundeys ah.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items