Dhageyso:Muxaadaro Tobanka Maalmood ee Ugu Kheyrka Badan Maalmaha Alle Waxaa Jeedinaya Sheekh Abuu Muslim.

Saturday August 03, 2019 - 10:05:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Muxaadaro Tobanka Maalmood ee Ugu Kheyrka Badan Maalmaha Alle Waxaa Jeedinaya Sheekh Abuu Muslim.

    Bisha Dul xaj oo ah Bil Fadli Badan waxaa kujira Maalmo gaar ah oo ah kuwa ugu fadli badan maalmaha alle muslimiinta siiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bisha Dul xaj oo ah Bil Fadli Badan waxaa kujira Maalmo gaar ah oo ah kuwa ugu fadli badan maalmaha alle muslimiinta siiyay.

Marka laga hadlo maalmo majirto maalmo ka kheyr badan 10-ka bisha carafo balse marka laga hadlayo habeen waxaa ugu fadli badan leylatul qadriga oo u dhigma wax ka badan 80 sanadood.

Nabi Muxamed SCW waxaa ka sugan in uusan jirin camal lasameeyo oo ka kheyr badan 10-ka maalmood ee bisha Carafo xataa jihaadka, asaxaabta ayaa nabiga weydiiyay "Nabi alloow oo majihaadka?” markaas ayuu nabigu ku jawaabay walal Jihaad. marka laga reebo Nin mujaahid ah oo naftiisa iyo maalkiisa jihaad ubaxay oo aan soo laaban oo dagaalka lagu dilo.

 

Sheekh Mukhtaar Abuu Muslim oo kamid ah culimaa’udiinka soomaaliyeed ayaa jeediyay muxaadaraad kooban oo si qota dheer uga hadlaya fadliga 10-ka maalmood ee allaah subxaanahu watacaalaa ku dhaartay.

Sheekha ayaa muslimiinta ku booriyay in ay ka faa’iideystaan maalmahan kheyrka badan ayna badiyaan cibaadada sida soonka iyo sadaqada.

Halkan ka dhageyso Q1-aad Muxaadaro ku saabsan Fadliga 10-ka Carafo waxaa Jeedinaya Sheekh Abuu Muslim MP3


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items