NEWYORK TIMES: Qadar Oo Daacishta Soomaaliya U Adeegsaneysa Dagaalka Ay Kula Jirto Imaaraatka [Warbixin].

Wednesday July 24, 2019 - 10:44:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NEWYORK TIMES: Qadar Oo Daacishta Soomaaliya U Adeegsaneysa Dagaalka Ay Kula Jirto Imaaraatka [Warbixin].

    Wargeyska caanka ah ee lagu magacaabo Newyork Times ayaa soo daabacay warbixin dheer oo uu ku faaqidayo loolanka Soomaaliya ku dhexmaraya dowladaha carbeed ee Khaliijka, kaas oo uu ku tilmaamay mid faraha ka baxay oo loo adeegsanayo waxwaliba oo suur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirka safiirka Qadar ee Somalia iyo ganacsade Al-Mohanadi
Wargeyska caanka ah ee lagu magacaabo Newyork Times ayaa soo daabacay warbixin dheer oo uu ku faaqidayo loolanka Soomaaliya ku dhexmaraya dowladaha carbeed ee Khaliijka, kaas oo uu ku tilmaamay mid faraha ka baxay oo loo adeegsanayo waxwaliba oo suuragal ah.



Wargeyska caanka ah ee lagu magacaabo Newyork Times ayaa soo daabacay warbixin dheer oo uu ku faaqidayo loolanka Soomaaliya ku dhexmaraya dowladaha carbeed ee Khaliijka, kaas oo uu ku tilmaamay mid faraha ka baxay oo loo adeegsanayo waxwaliba oo suuragal ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Qatar ay adeegsato qaar ka mid ah kooxaha hubeysan ee Soomaaliya si ay dalka uga saarto dowlada ay loolanka kula jirto Iimaaraatka, iyadoo si gaar ah u beegsaneysa galaangalka xukuumada Abuu Dubaay ee deegaanada waqooyi ee Soomaaliya.



Wargeysku wuxuu aad u faaqidayaa qarax bishii May ee sanadkan ka dhacay afaafka hore ee maxkamada magaalada Boosaaso, kaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 8 ruux. Mas’uuliyada Qaraxaas waxaa sheegtay kooxda Daacish ee uu hogaamiyo C/qaadir Muumin.

Newyork Times ayaa sheegay inuu weerarkaas qeyb ka ahaa loolanka ka dhex ololsan dowladaha Khaliijka ee ku tartamaya awoodda iyo ka macaashida kheyraadka geeska Africa.

Labadii sano ee la soo dhaafay, dalka Soomaaliya ayaa ahaa fagaare dagaal oo ay ku hardamayaan dowladaha Qadar iyo Imaaraatka Carabta, iyadoo qolo waliba ay hub iyo tababaro military siineyso dhinacyada ay la dhacsan tahay, kuna loolamaya qandaraasyada Dakadaha ama gurashada kheyraadka dabiiciga ee Soomaaliya.

Qatar iyo Daacish

Wargeyska NewYork times ayaa sheegay inuu helay cod laga duubay safiirka Qadar ee Soomaaliya iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka Qadar oo telephone ku wada hadlaya. wuxuu ganacsaduhu uu sheegayaa in qaraxii ka dhacay afaafka Maxkamada Boosaaso ay fuliyeen dad saaxiibadooda ah si ay u xaqiijiyaan masaalixda Qadar, una ceyriyaan dowladda ay tartanka kula jiraan ee Imaaraatka Carabta.

"Waan naqaanaa cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka, dad saaxibadeen ah ayaa fuliyey” sidaas waxaa yiri ganacsade Khaliifa Kaayid Al-Mohanadi oo 18-kii May telephone kula hadlayey safiirka Qadar ee Soomaaliya, hal todobaad ka dib markii uu qaraxaasi dhacay.

Mas’uuliyada qaraxaas waxaa sheegtay kooxda Daacish, taas oo bishii May qoraal soo dhigay baraha Internetka ee ay wararka ku faafiyaan.


Ganacsade Al-Mohanadi oo sii hadlaya ayaa safiirka ku yiri: "Rabshadahaas waxaan ugu talagalnay inaan dadka reer Dubaay uga ceyrino halkan”. "ka leexo imaaraatka ha ceyriyaane si aysan u soo cusbooneysiin qandaraasyada lagula jiro, qandaraaskuna waxaan u soo wareerjin doonaa halkan Dooxa ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Xaqiiqda Codka La Helay.

Wargeysku wuxuu sheegayaa in ganacsade Al-Mohanadi iyo dowlada Qadar aysan labaduba wax dood ah ka keenin saxnimada codka la hayo, laakiin waxay ku doodayaan inuu ganacsaduhu u hadlayey sida qof muwaadin ah oo aanu ahayn sarkaal dowladeed.

Newyork times waxay sheegtay inay codkaas ka heshay sirdoon shisheeye, iyagoo aan magacaabin dowlad gaar ah balse waxay tilmaantay inay arintan ka hor imaaneyso siyaasadda dibadda ee Qadar maadama uu safiirku la dhacsanaa waxa uu sheegayey ganacsadaha ee ah inay Qadar kaalin ku lahayd qaraxaasi.

Ganacsade Al-Mohanadi ayaa ah muwaadin caan ah ka soo jeeda dalka Qadar, aadna ugu dhow hogaamiyaha Qadar Tamiim bin Xamad. Waxaa jira sawiro ay si wadajir ah u galeen isaga iyo amiirka Qadar, safaro dhowr ah ayuuna ku wehliyey.

Laakiin mar uu wargeysku telephone kula xiriiray safiirka Qadar ee Soomaaliya, wuxuu danjiruhu sheegay inuusan gabi ahaanba aqoon u lahayn Al-Mohanadi, ka dibna si degdeg ah ayuu telephone-ka u damiyey isagoo walwalsan.

Sidaas oo kale wuxuu wargeysku la xiriiray ganacsade Al-Mohanadi kaas oo sheegay inay safiirka kala dhexeyso kaliya macrifo hore, ayna isku fasal ahaayeen yaraantoodii balse uusan jirin xiriir siyaasadeed oo ka dhexeeya. "Anigu waxaan ahay qof howlgab ah oo ganacsade ah, mana matalo wax dowlad ah” ayuu yiri ganacsadaha.

Mar la weydiiyey sababta uu kooxda Daacish ee qaraxaas fuliyey ugu tilmaamay saaxiibo, wuxuu ku jawaabay: "Soomaalida oo idil waa saaxiibadeey”.

Faragelinta Khaliijka.

Dowladaha khaliijka ayaa tan iyo sanadkii 2011 si adag ugu loolamayey awoodda iyo kheyraadka Soomaaliya, wuxuuse galaangalkoodu si weyn u soo ifbaxday bishii june ee 2017 markii uukhilaaf xoogganka dhex qarxay dowladaha khaliijka, ayna u kala safteen laba garab, Sacuudiga, Imaaraatka iyo Baxreyn oo dhinac iyo Qadar oo dhinaca kale ah.

Dowlada saaxiibada la ah Qatar ee Turkiga oo ku gabaneysa gurmadkii abaaraha ee Soomaaliya, ayaa sanadkii 2011-kii galaangal siyaasadeed oo xoogan ku yeelatay Soomaaliya.

Hal sano ka dib talaabadaas, Imaaraatka ayaa Soomaaliya u soo diray ciidamo Kumandoos ah iyo koox calooshood u shaqeystayaal ah iyadoo ku andacooneysa la dagaalanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab si ay u ballaariso awoodeeda military ee geeska Africa, una qabsato dakadaha ku dhirirsan gacanka Cadan.

Tan iyo markaas waxaa socday tartan qaboow, balse waxay xiisadu aad u soo ifbaxday markii uu bilowday Khilaafka khaliijka, kolkaas oo galaangalka siyaasadeed ee dowladahan uu saameeyey siyaasadda Soomaliya, ka dib markii ay la kala safteen maamulada iyo siyaasiyiinta dalka si ay u gaaraan danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Maamulka Farmaajo ee villa Somalia ayaa sheegtay inuu dhexdhexaad ka yahay khilaafka khaliijka laakiin wuxuu la saftay Qadar iyo dowlada saaxiibada la ah ee Turkiga, maamulkiisa ayaana noqday midka ay dowladahan u soo maraan boobka iyo bililiqada kheyraadka dalka, halka Imaaraatkuna uu garab ka helay maamul goboleedyada Federalka kuwaas oo uu la saxiixday heshiisyo iyo qandaraasyo lagu boobayo hantida Soomaaliyeed.

Mowqifka Al-Shabaab.

Xarakada Al-Shabaab ayaa soo saartay digniino ku aadan faragelinta dowladahaas iyo boobka ay ka wadaan Soomaaliya, waxayna qaaday howlgalo ay ku beegsaneyso labada dhinac ee ku tartamaya awoodda Soomaaliya.

Bishii Febraayo ee sanadkan waxay Xarakada Al-Shabaab howlgal qorsheysan ku khaarijisaymaamulihii shirkadaDP world, oo ah shirkad hormarinta Dakadaha u qaabilsan Imaaraatka, islamarkaana gacanta ku heysay Dakada magaalada Boosaaso.

Sidaas oo kale, Xarakada Al-Shabaab waxay dhowrjeer beegsatay Saraakiil iyo madax ka tirsan dowlada Qadar, waxaana weerarada ay ku beegsatay ka mid ahaahowlgal Istish-haadi ah oo bishii May ee 2013ka dhacay wadada Maka AlMukarama kaas oo lala eegtay kolonyo ay la socdeen saraakiil u dhalatay dalka Qadar, kaas oo lagu dilay hal sarkaal, laguna dhaawacay labo kale.

Al-Shabaab waxay sidoo kale beegsatay dowlada Turkiga ka dib markii ay ku eedeysay inay horror ku tahay hantida iyo kheyraadka Umadda Soomaaliyeed, waxaana weerarada ay ku beegsatay Turkiga ugu weynaaduullaan isugu jira Istish-haadi iyo Inqimaasi ahoo ay ku qaaday safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Laakiin warbixintan cusub ee uu daabacay wargeyska Newyork Times ayaa tibaaxeysa inay dowlada Qadar adeegsaneyso kooxda Daacish si ay ula dagaalanto Imaaraatka Carabta balse arintan ayaanan la yaab ku noqoneyn dadka u dhuun daloola kooxda uu hogaamiyo C/qaadir Muumin, sababtoo ah waxaa xusid mudan in qaar badan oo ka mid ah xubnaha kooxda ay ka tirsan yihiin sirdoonka kooxda Farmaajo taas oo uu hadda madax u yahay Fahad Yaasiin oo ah ninka Qatar u qaabilsan agaasinka xiriirka kala dhexeeya dabadhilifyadeeda Soomaaliya.


Related Items