Sarkaal Boolis Oo lagu dilay Ex.Control Afgooye iyo Qarax ka dhacay Wadada Warshadaha.

Saturday July 20, 2019 - 08:14:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Boolis Oo lagu dilay Ex.Control Afgooye iyo Qarax ka dhacay Wadada Warshadaha.

    Xoogag hubeysan ayaa caawa maqribkii sarkaal sare oo katirsan ciidamada booliska dowladda Federaalka ku dilay gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa caawa maqribkii sarkaal sare oo katirsan ciidamada booliska dowladda Federaalka ku dilay gudaha magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rab hubeysan ay agagaarka isgoyska Ex.Control Afgooye ku dileen sarkaal katirsan ciidamada Booliska, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in xoogaga dilka geystay ay sarkaalka ka qaateen bastoolad uu watay kadibna ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

Dhinaca kale jugta qarax xooggan ayaa caawa fiidkii laga maqlay agagaarka dhismaha wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, qaraxa ayaa haleelay gaari Tiknika ah oo ku socdaalayay wadada Warshadaha.

 

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay agagaarka wasaaradda G/dhigga balse dhammaan weeraradii caawa dhacay waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items