Saldhigga Ciidanka Itoobiya Ee degmada Garbahaareey Oo Weerar Madaafiic ah lakulmay.

Saturday July 20, 2019 - 08:01:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Ciidanka Itoobiya Ee degmada Garbahaareey Oo Weerar Madaafiic ah lakulmay.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro hor leh ku qaaday saldhigyo melleteri oo kuyaalla gobollada Gedo iyo Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro hor leh ku qaaday saldhigyo melleteri oo kuyaalla gobollada Gedo iyo Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya degmada Garabahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah uu lakulmay saldhigga ciidamada Xabashida ay ku leeyihiin duleedka degmada.

Dad ku sugan Garbahaarey ayaa sheegay in maanta gelinkii dambe ay maqleen jugta madaafiic dhowr ah oo ku hoobanaysay gudaha saldhigga ciidamada Itoobiya balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan madaafiicda ah.

Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal xooggan oo muddo saacada ah socday, dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ay xoogaga Al Shabaab dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa maleeshiyaadka dowladda Federaalka.

 

Al Shabaab ayaa weeraro joogta ah ku haysa ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya waxayna dagaalladan kusoo aadayaan xilli xaalad dib ugurasho ah wajahayaan ciidamada huwanta ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items