Wafdi Ka Socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qadar oo Dhuusamareeb gaaray.

Saturday July 13, 2019 - 09:35:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi Ka Socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qadar oo Dhuusamareeb gaaray.

    Diyaarad melleteri oo siday saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda Dabadhilifka Qadar ayaa maanta duhurkii caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad melleteri oo siday saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda Dabadhilifka Qadar ayaa maanta duhurkii caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Wararka ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in wafdiga ka socda dowladda Qadar ay kulamo laqaateen Xasan Cali Kheyre oo R/wasaaraha dowladda Federaalka iyo saraakiil katirsan Melleteriga Itoobiya ee Galguduud ku sugan.

Ujeedka socdaalka wafdiga melleteri ee Qadar ayaa lagu sheegay sidii ay utaageeri laheyd maleeshiyaadka Kooxaha Mushrikiinta Ahlusuna labaxay kuwaas oo ay dhistay dowladda Itoobiya.

Saraakiisha dowladda Qadar waxay ballan qaadeen in ay dib udhis ku sameyn doonaan Xerada 21-aad ee duleedka Dhuusamareeb halkas oo lagu xarayn doono maleeshiyaadka Suufida ee dhowaan loo diinwaan geliyay kamid ahaashiyaha ciidamada DF-ka.

 

Qadar oo ah dal yar oo kamid ah dowladah Khaliijka ee hodonka ku ah shidaalka ayaa taageera weyn siisa duullaanada gardarrada ah ee dowladda Mareykanka ay ku qaadday caalamka Islaamka.

Qadar ayaa kaalin melleteri iyo mid maaliyadeed uga qeyb qaadanaysa duullaanka gumeysi ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya waxayna dowladdan lacago Boqolaal Milyan oo dollar ah siisaa ciidamada AMISOM iyo madaxda dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items