Weerarkii Hotelka Cas-Caseey Oo Soo Idlaaday iyo Ku Dhawaad 40 Ruux Oo Lagu Dilay [FAAHFAAHIN].

Saturday July 13, 2019 - 09:33:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerarkii Hotelka Cas-Caseey Oo Soo Idlaaday iyo Ku Dhawaad 40 Ruux Oo Lagu Dilay [FAAHFAAHIN].

    Waxaa barqanimadii maanta soo gabagaboobay weerarkii ballaarnaa ee dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo kaas oo hooy u ahaa siyaasiyiin, saraakiil iyo Musharaxii badan oo u tartamayey xilka madaxtinimo ee m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa barqanimadii maanta soo gabagaboobay weerarkii ballaarnaa ee dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo kaas oo hooy u ahaa siyaasiyiin, saraakiil iyo Musharaxii badan oo u tartamayey xilka madaxtinimo ee maamulka Jubbaland.



Weerarkan oo biloowday gelinkii dambe ee maalintii shalay ayaa soo gabagaboobay kadib dagaal qaraar oo halkaas ku dhexmaray dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Jubbaland oo taageero ka helayey ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka ee dagan magaaladaasi.

Xarakada Al-Shabaab oo horay u sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa shaacisay inay weerarkaas ku dishay ku dhawaad 40 ruux oo ay ku jiraan siyaasiyiin, mas’uuliyiin iyo Ajaanib kasoo jeeda wadamada Mareykanka, Africa iyo Asia.



 

"Allaah fadligii wuxuu howlgalku ku soo dhamaaday guul, waxaana ku dilnay ku dhawaad 40 cadow ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacnay 60 kale oo cadowga ka mid ah. dadka aan dilnay waxaa u badnaa siyaasiyiinta iyo saraakiisha maamulka iyo tiro ajaanib ah oo kasoo jeeda wadamo kala duwan” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa baahisay magacyada qaar ka mid ah xubnaha lagu dilay weerarkaas iyadoona shaacisay in ay soo gudbin doonto dhammaan magacyada saraakiisha iyo mas’uuliyiinta lagu dilay weerarkaasi.

Madax iyo Siyaasiyiin.

Dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday Hotelka Cas-Caseey waxaa ka mid ahaa Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo waziir kasoo noqday xukuumaddii Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii sagaalaad.

Shuuriye ayaa hadda ahaa Musharax madaxweyne oo u tartamayey xilka madaxtinimo ee maamulka isku magacaabay Jubbaland waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa siyaasiyiinta daganaa Hotelka la weeraray.

Xubnaha weerarkaas ku dhintay waxaa sidoo kale ka mid ahaa nin lagu magacaabo Fariid Jaamac Saleebaan oo ahaa waziirkii hore ee ganacsiga ee maamulka Jubbland, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan maamulkaas.

Dadka magacyadooda la helay waxaa sidoo kale ka mid ahaa Shiine Xasan Xanafi oo ahaa taliyaha tabarka Academy-yada booliska Jubland, Nuur Deeq oo ahaa Sarkaal u shaqeynayey hay’adda UN-ka, iyo nin magaciisa lagu soo koobay Shire oo ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Bangaraafta qeybta Jubbland.

Ergada Doorashada.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale SomaliMeMo u sheegay in dadka ugu badan ee ku dhintay weerarka inay ahaayeen odayaasha ergooyinka ah ee soo xulay xildhibaanada kuwaas oo la sheegay in badankood ay joogeen Hotelka xilligii weerarka.

Sidoo kale waxaa khasaare xoogan uu soo gaaray ciidamada Ammaanka ee Jubbaland kuwaas oo xalay ilaa saakey barqadii la tacaalayey inay soo afjaraan weerarka, tobanaan ka mid ah ciidamada Ammaanka ee Jubbaland ayaa la sheegay in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka, halka sidoo kalena uu khasaare kala duwan soo gaaray ciidamada Kenya kuwaas oo goor dambe ku soo biiray dagaalka si ay u soo afjaraan weerarka.

Weerarkii Xooganaa ee Al-Shabaab ay ku qaaday Hotelka Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo ayaa qaatay muddo 16 saacadood oo xiriir ah, wuxuuna banaanka soo dhigay khibrad xumada maamulkaas ee ku aaddan sida loola mucaamilo weeraradan oo kale iyo in aysan maleeshiyaatka maamulkaas u diyaarsaneyn ka hortaga weerarada xoog ku galka ah ee Jihaadiyiinta.

Related Items