Al Shabaab Oo War Cusub kasoo saartay Weerarka Ka Socda Hoteel kuyaal magaalada Kismaayo.

Friday July 12, 2019 - 08:25:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo War Cusub kasoo saartay Weerarka Ka Socda Hoteel kuyaal magaalada Kismaayo.

    Dagaalyahanada Al Shabaab ee dagaalka xooggan uga jira dhismayaasha Hoteel kuyaal magaalada Kismaayo ayaa si adag isaga difaacay weeraro isdaba joog ah oo uga yimid ciidamo Kenyaan ah iyo maleeshiyaadka maamulka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanada Al Shabaab ee dagaalka xooggan uga jira dhismayaasha Hoteel kuyaal magaalada Kismaayo ayaa si adag isaga difaacay weeraro isdaba joog ah oo uga yimid ciidamo Kenyaan ah iyo maleeshiyaadka maamulka Jubbaland.

Sarkaal katirsan Al Shabaab oo lahadlaySomaliMeMoayaa xaqiijiyay in ragga gudaha hoteelka ka dagaallamaya ay muddo sedax jeer ah iska difaaceen weeraro uga yimid ciidamo huwan ah islamarkaana ay iyagu gacanta ku hayaan dhismayaasha Hoteelka.

"Mujaahidiintu waxay si buuxda ula wareegeen Hoteelka Cascaseey ee weerarku ka socdo waxayna iska caabiyeen illaa sedax weerar oo ay soo qaadeen ciidamada kufaarta Kenya iyo maleeshiyaadka Murtadiinta maamulka Juballand" ayuu yiri sarkaalka u hadlay Al Shabaab.

 

Weerarka oo socda saacaddii Afaraad oo xiriir ah ayaa la sheegay in uu gallaaftay nolosha tobaneeyo qof, khasaaraha ugu daran ayaa la sheegay in uu gaaray saraakiil iyo siyaasiyiin ku shaahayay barxadda Hoteelka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in askar iyo saraakiil badan ay ku dhinteen weerarkan oo ka dhacay Hoteel ay deganaayeen siyaasiyiinta mucaaradsan maamulka Axmed Madoobe waxaana kamid ahaa kuwa deggan xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale.

Ciidamada Kenya oo qaabilsanaa ilaalinta Hoteelkan ayaa ku guul darreystay in ay ka hor tagaan weerarkan oo umuuqday mid aad uqorshaysan, goob joogayaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in ay maqlayaan rasaas xooggan oo lays dhaafsanayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items