Hoggaamiyaha Maamulka 'Koonfur Galbeed' Oo Booqasho ku tagay magaalada Marka.

Wednesday July 10, 2019 - 10:21:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Maamulka 'Koonfur Galbeed' Oo Booqasho ku tagay magaalada Marka.

    Cabdi Casiis Laftagareen oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ayaa booqasho dhanka cirka ah ku tagay magaalada Marka ee xarunta Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Casiis Laftagareen oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ayaa booqasho dhanka cirka ah ku tagay magaalada Marka ee xarunta Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya Marka ayaa sheegaya in Laftagareen iyo qaar kamid ah xildhibaannada maamulkiisa ay diyaarad ay ku buufsantahay calaamadda UN-ka ku tageen magaalada.

Laftagareen iyo wafdigiisa ayaa awoodi waayay in dhanka barriga ay ku tagaan Marka sababa la xiriira xoogaga Al Shabaab oo gacanta ku haya waddooyinka waaweyn ee soo gala magaalada Marka.

Waa socdaalkii ugu horraysay ee hoggaamiyaha maamulka 'Koonfur Galbeed' uu ku tago xarunta Sh/Hoose tan iyo markii lagu caleema saaray magaalada Baydhabo.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items