Dibad baxyo rabshado wata oo ka dhacay Ceerigaabo iyo dagaal ka dhacay Bariga Sanaag.

Wednesday July 10, 2019 - 10:21:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad baxyo rabshado wata oo ka dhacay Ceerigaabo iyo dagaal ka dhacay Bariga Sanaag.

    Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Sanaag ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Sanaag ee dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Bariga Sanaag ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan ay halkaas ku dhaxmarayaan ciidamada maamulka isku magacaabay 'Somaliland' iyo maleeshiyaad daacad u ah Col.Saciid Cawli Jaamac Caarre.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Jabhadda Caarre ay waxyeelleen mid kamida gaadiidka dagaalka ciidamada maamulka 'Somaliland', barakac xooggan oo ay sameynayaan dadka xoola dhaqatada ah ayaa lagasoo sheegayaa Bariga Sanaag.
 


Dhinaca kale dibad baxyo rabshado wata ayaa gudaha magaalada Ceerigaabo ka dhacay saacado kadib markii ay dagaalladu bilaawdeenn, kumanaan qof shacab ah ayaa taayarro ku gubay waddooyinka magaalada.

Dadka dibad baxyada dhigayay ayaa kasoo horjeeday dagaallada Jabhadda Gaarre iyo ciidamada Muuse Biixi ku dhaxmaraya Bariga Sanaag, goob joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof oo shacab ah uu ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidamada Booliska degmada Ceerigaabo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items