2 katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo lagu dilay Waqooyiga Muqdisho.

Wednesday July 10, 2019 - 10:07:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2 katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo lagu dilay Waqooyiga Muqdisho.

    Xoogag hubeysan ayaa caawa gudaha magaalada Muqdisho ku dilay ciidamo katirsan sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa caawa gudaha magaalada Muqdisho ku dilay ciidamo katirsan sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Waqooyiga Muqdisho ay ku dileen 2 askari oo katirsanaa ciidamada Nabad sugidda gaar ahaan kuwa dharcadda loo yaqaan.

Askarta ladilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Bootaane Kheyre iyo Cabdi Jareer oo dhammaantood katirsan Nabad sugidda qeybta dharcadda ee aan ku labisneed dharka ay caanka ku yihiin ciidamada dowladda.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarka ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

 

Maalin ka hor ayay aheyd markii Al Shabaab sidaan oo kale ay weerar ka dhacay xaafadda Saybiyaano ugu dishay ugu yaraan 9 askari oo katirsan ciidamada dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items