Dowladda Imaaraatka oo Xaqiijisay in ay Ciidamadeeda kala baxayso dalka Yemen.

Tuesday July 09, 2019 - 08:05:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Imaaraatka oo Xaqiijisay in ay Ciidamadeeda kala baxayso dalka Yemen.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta ayaa lagu xaqiijiyay in kumanaan kamid ah ciidamada dowladdaas ay isaga baxeen qaar kamid ah gobollada wadanka Yemen oo shan sano ka hor ay duullaan ku qaadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta ayaa lagu xaqiijiyay in kumanaan kamid ah ciidamada dowladdaas ay isaga baxeen qaar kamid ah gobollada wadanka Yemen oo shan sano ka hor ay duullaan ku qaadeen.



Mas'uul sare oo katirsan dowladda Imaaraatka Carabta oo wakaaladda Wararka Faransiiska kula hadlay magaalada Dubai ayaa sheegay in Imaaraatku go'aansaday in dagaalka Yemen uu ubedelo hanaan Nabadeed sida uu hadalka u dhigay isagoo ciidamada ay kala baxeen qaar kamid ah magaalooyinka Yemen ku sifeeyay xeelad dagaal.

Ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa warbaahinta reergalbeedka u sheegay in kumanaan katirsan ciidamada Dowladda Imaaraatka laga saaray wadanka Yemen islamarkaana ay tani dhabar jab ku tahay taxaalufka Carbeed oo ay ugu tun weynyihiin Sacuudiga iyo Imaaraatka.



 

Mas'uulka u hadlay dowladda Imaaraatka ayaa si cad u sheegay in ay wax ka bedelayaan qaabkii ay kula dhaqmi jireen colaadda Yemen balse ma sheegin in ay dagaalka ku cidlayn doonaan dowladda Ala Sacuud iyo inkale.

Inta badan gobollada dhaca Koonfurta Yemen ayay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin ciidamada Imaaraatka Carabta oo halkaas ka hirgeliyay Xabsiyo qarsoodi ah oo lagu tacdiibiyo maxaabiista Muslimiinta, shacabka Yemen ayaa dowladda imaaraatka u arka mid gummeysi oo wakiil ka ah dowladda Mareykanka.

Dib ugurashada ay ku dhaqaaqda xukuumadda Abuu Dubai ayaa imaanaysa xilli maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay sare uqaadeen weerarada loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo sawaariikhda oo ay ku qaadayaan dowladda sacuudiga iyagoona dhowr jeer diyaarado ku duqeeyay garoonka diyaaradaha magaalada Abu Dubai

Related Items