Taliban Oo Weerar Naf Hurnimo ku dishay 50 Katirsan Ciidamada Dowladda Afghanistan.

Sunday July 07, 2019 - 09:39:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban Oo Weerar Naf Hurnimo ku dishay 50 Katirsan Ciidamada Dowladda Afghanistan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegay in markale weerar aad u xooggan lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada xukuumadda dabadhilifka Kaabuul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegay in markale weerar aad u xooggan lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada xukuumadda dabadhilifka Kaabuul.



Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay dagaalyahan istish-haadi ah oo katirsan Taliban ayaa gudaha ugalay xarunta ciidamada sirdoonka ee gobolka Gazni oo dhaca bartamaha iyo Galbeedka wadanka Afghanistan.

Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah Afhayeenka Imaarada Islaamiga (Taliban) ayaa sheegay in weerar istish-haadi ah ay ku beegsadeen xarunta Mukhaabaraatka xukuumadda Kaabuul ee magaalada Gazni "weerar istish-haadi ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu qaaday xarunta sirdoonka maamulka dabadhilifka ee magaalada Kaabuul" ayuu yiri Afhayeenka Taliban.

 

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ugu yaraan 50 askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarkan aadka u xooggan ee maanta ka dhacay gobolka Ghazni wuxuuna imaanayaa xilli Taliban ay sare uqaadday guluf dagaaleedkeeda ay ka waddo 34-ta gobol ee dalka Afghanistan uu ka koobanyahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items