Wasiirka arrimaha dibadda: R/wasaaruhu Muddo 11 maalmood ah ayuu dalka dibadda uga maqanyahay oo Galmudug ayuu jiraa!

Sunday July 07, 2019 - 08:42:38 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arrimaha dibadda: R/wasaaruhu Muddo 11 maalmood ah ayuu dalka dibadda uga maqanyahay oo Galmudug ayuu jiraa!

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay ku hadaaqday hadal muujinayay in maamul goboleedyada dalka ka jira ay u aqoonsantahay dowlado madax banaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay ku hadaaqday hadal muujinayay in maamul goboleedyada dalka ka jira ay u aqoonsantahay dowlado madax banaan.

Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirka arrimaha dibadda oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in R/wasaare Xasan Cali Kheyre uu socdaal muddo qaatay uu ku joogo dibadda oo uu ula jeedo maamulka Galmudug!.

"R/wasaaruhu Muddo 11 maalmood ah ayuu dalka dibadda uga maqanyahay oo Galmudug ayuu jiraa!"ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Arrintan ayey Shacabka Soomaaliyeed layaabeen, baraha bulshadu kuwada xiriirto ayaa lagu faafiyay qoraallo ay dadku dhaliilayaan mowqifka wasiirka arrimaha dibadda oo maalmo ka hor sheegay in ay xiriirkii diblumaasiyadeed ujareen dowladda Gini sababa laxiriira iyadoo maqaam dowladeed kusoo dhoweysay madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Somaliland'.

 

Halkan ka dhageyso Wasiir Cawad oo dal dibad ah ugu yeerayo maamulka Galmudug MP3

Related Items