Dowladda Kuuba Oo Sheegtay in ay Wax walba ku bixinayso soo Furashada Maxaabiis uga maqan Soomaaliya.

Saturday July 06, 2019 - 09:36:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kuuba Oo Sheegtay in ay Wax walba ku bixinayso soo Furashada Maxaabiis uga maqan Soomaaliya.

    Dowladda Kuuba ayaa markale sheegtay in ay dadaal dheeraad ah ku bixinayso sidii ay xuriyadooda uheli lahaayeen Muwaadiniin Kuubaan ah oo afduub loogu heysto gudaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kuuba ayaa markale sheegtay in ay dadaal dheeraad ah ku bixinayso sidii ay xuriyadooda uheli lahaayeen Muwaadiniin Kuubaan ah oo afduub loogu heysto gudaha dalka Soomaaliya.



Wasiirka caafimaadka Kuuba ninka lagu magacaabo Jose Angel Portal ayaa xaqiijiyay in laba dhaqtar Kenyaan ah oo bilo ka hor laga qafaashay magaalada Mandheera lagala talaabay xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in wax walba oo madax furasho ay kamid tahay ay ku bixinayaan sidii ay xuriyadooda dib ugu heli lahaayeen muwaadiniinta ka maqan "Dowladda Kuuba wax walba waa ku bixinaysaa sidii ay xuriyadooda dib ugu heli lahaayeen laba dhaqtar oo nooga maqan gudaha Soomaaliya" ayuu yiri wasiir Jose Angel Portal.


 

Dowladda Kuuba ayaa horay u beenisay warar sheegayay in ay lacago Madax furasho ah siinayso kooxaha afduubta dhaqaatiirta balse markale ayay ku celisay in wax walba ay ku bixinayso soo daynta dhaqaatiirta.

Dowladda Kenya ayaa weerarkii lagu qafaashay dhaqaatiirta Kuubaanka ah ku eedaysay Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta balse illaa iyo hadda majiraan caddeyo muujinaya in Al Shabaab weerarkaas mas'uul ka aheyd.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items