Dowladda Tuunis oo Dumarka Muslimaadka ah ka Mamnuucday Xirashada Niqaabka.

Saturday July 06, 2019 - 09:36:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Tuunis oo Dumarka Muslimaadka ah ka Mamnuucday Xirashada Niqaabka.

    Xukuumadda dabadhilifka Tuunis ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay mamnuucday Niqaabka ama Indha shareerka ay xirtaan dumarka muslimaadka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda dabadhilifka Tuunis ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay mamnuucday Niqaabka ama Indha shareerka ay xirtaan dumarka muslimaadka ah.



Yuusuf Al Shaahid oo ah R/wasaaraha Tuunis ayaa qoraal uu soo saaray maalintii Jimcaha ku sheegay in lamamnuucay in dumarku ay Indha shareerka ku qaataan goobaha caamka ah sida Jaamacadaha,xafiisyada dowladda iyo Suuqyada.

"qof walba oo wajigu uxiranyahay waa ka mamnuuc in uu tago goobaha caamka ah sababa ammaan aawgeed" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda dabadhilifka Tuunis.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dowladda Calmaaniga Tuunis ay sanadadii dambe ku dhaqaaqeysay beegsi ay ku hayso dadka muslimiinta ah ee diinkooda ku dheggan waxaana xusid mudan in ciidamada sirdoonka ay xireen in kabadan 270 Masjid oo ay ku eedeeyeen in ay faafinayeen waxa loogu yeero afkaarta Xagjirnimada.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items