Anyax Baabi'iyay dalagyada Beeraha Gobolka Sanaag iyo Walaac laga Muujiyay.

Wednesday July 03, 2019 - 09:38:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Anyax Baabi'iyay dalagyada Beeraha Gobolka Sanaag iyo Walaac laga Muujiyay.

    Xaalad adag ayay wajahayaan dalagyada lagu tacban dhul beereed baaxad leh oo kuyaalla deegaanno katirsan gobolka Sanaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad adag ayay wajahayaan dalagyada lagu tacban dhul beereed baaxad leh oo kuyaalla deegaanno katirsan gobolka Sanaag.

Boqolaal qof oo kamid ah beeralayda gobolka Sanaag ayaa ka cabanaya Cayayaanka Anyaxa oo faraba'an ku haya dalagyada ay xilligan guga tacbadeen.

Kulan ay beeralayda ku qabteen degmada Ceerigaabo ayay kusoo bandhigeen khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay Anyaxa ku habsaday beerahooda ayay ku sheegeen in uu yahay mid aan tirakoob laheyn.

Meelah uu Cayayaanku ku degay waxaa kamid ah waqooyiga magaalada Ceerigaabo iyo dhul beereedka ku teedsan deegaanno ay kamid yihiin Afaafood,Dayaxa,Daalo,Surad iyo Ceel dhariir.

 

Beeralayda gobolka Sanaag ayaa ku eedeeyay wasaaradda beeraha maamulka isku magacaabay Somaliland in uusan waxba ka qaban baahidooda islamarkaana uu ku fiirsaday musiibada uu Anyaxu sababay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in cayayaanka Anyaxa uu baabi'iyay dhul baaxad leh oo khudaarta nuucyadeeda kala duwan ay ku beerneed waxaana kamid ah beeraha ku teedsan deegaanka Duuliga Ceerigaabo.

Xilligii ay jiray dowladdii Siyaad Barre ayay beeralaydu heli jireen gurmad baaxad leh waxaana Anyaxa lagu buufin jiray diyaarado ay laheyd wasaaraddii beeraha Soomaaliya taas oo sababi jirtay in uu yaraado khasaaraha uu geysto Anyaxa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items