Taliyihii Booliska Koonfurta Gaalkacyo oo dhaawac udhintay iyo Weerar ka dhacay Ceelasha Biyaha.

Tuesday July 02, 2019 - 06:48:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Booliska Koonfurta Gaalkacyo oo dhaawac udhintay iyo Weerar ka dhacay Ceelasha Biyaha.

    Sarkaalkii ugu sarreeyay ciidamada Booliska maamulka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa udhintay dhaawac kasoo gaaray qarax shalay lala beegsaday gaarigiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaalkii ugu sarreeyay ciidamada Booliska maamulka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa udhintay dhaawac kasoo gaaray qarax shalay lala beegsaday gaarigiisa.



Wararka ka imaanaya Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu dhintay Col.Cawil Tubaako oo ahaa taliyaha booliska saldhigga Koonfurta Gaalkacyo, sarkaalka ayaa qabay dhaawac garaab ah waxaana haleelay firirada ka dhashay qaraxii shalay.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka 'Galmudug' ayaa cambaareeyay qaraxa lagu dilay taliyihii booliska wuxuuna falkaas ku tilmaamay mid argagaxiso.

Dhinaca kale weerar hubeysan oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka Muqdisho ayay xoogaga Al Shabaab ku dileen askari katirsan ciidanka dowladda mid kalane dhaawac ayaa soo gaaray.


 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items