Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Koonfurta Gaalkacyo lagula Beegsaday Mas'uul katirsan Maamulka 'Galmudug'.

Monday July 01, 2019 - 06:34:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Koonfurta Gaalkacyo lagula Beegsaday Mas'uul katirsan Maamulka 'Galmudug'.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa lala beegsaday taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee Gaalkacyo.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxan lala beegsaday ninka lagu magacaabo Cawil Tubaako "Mujaahidiinta ayaa magaalada Gaalkacyo qarax kula beegsaday Taliyaha maamulka Ridada Galmudug ugu magacaaban Booliska Koonfurta Gaalkacyo"ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawaca gaaray Taliya Nuur Tubaako uu yahay mid garaab ah waxaana loola cararay mid kamida Isbitaallada waaweyn ee magaalada Gaalkacyo.

Xarakada Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ka fulinayso gudaha magaalada Gaalkacyo waxayna xarakadu bilihii lasoo dhaafay fulisay weeraro ka dhan ah askarta iyo saraakiisha maamullada Galmudug iyo Puntland.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items