Weeraro 8 Askari lagu dilay oo ka dhacay Gobollada Bay iyo Bakool.

Sunday June 30, 2019 - 10:42:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro 8 Askari lagu dilay oo ka dhacay Gobollada Bay iyo Bakool.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Federaalka oo ka dhacay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobollada Bay iyo Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Federaalka oo ka dhacay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobollada Bay iyo Bakool.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro kala duwan ku dilay ku dhowaad 10 askari oo katirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo ah maamul taabacsan Xabashida Itoobiya gacan saarna laleh dowladda Federaalka.

Weerar shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Xudur ayaa sababay dhimashada 4 askari, sida uu soo sheegay wariye ku sugan gobolka Bakool ciidamada Al Shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaaday maleeshiyaad isbaaro udhiganayay gaadiidka dadweynaha.

 

Idaacadda Andalus ee Afka Al Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in weerarka lagu dilay Afar Askari islamarkaana sedax qori lagasoo qaniimeystay maleeshiyaadka weerarka lagu qaaday.

Dhinaca kale ugu yaqaan laba askari ayaa ku dhintay qarax xilli habeen ah ka dhacay gudaha Diinsoor ee gobolka Baay, weerar kale oo ka dhacay duleedka degmada Bardaale ayey Al Shabaab ku dileen 2 askari oo katirsan ciidamada Koonfur Galbeed.

Isku gayn dhimashada ka dhalatay weeraradii ay Al Shabaab ka fuliyeen gobollada Bay iyo Bakool ayaa gaaraya 8 askari waxaana muuqata in maleeshiyaadka indhaha u ah ciidamada Itoobiya ay dhiigbax joogta ah lakulmayaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items