Dagaallo Khasaara dhaliyay oo Markale ka dhacay deegaanka Bariire.

Sunday June 30, 2019 - 10:42:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Khasaara dhaliyay oo Markale ka dhacay deegaanka Bariire.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen Bariire waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalladaas ka dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen Bariire waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalladaas ka dhashay.

Maanta barqadii ayay xoogaga Shabaabul Mujaahidiin weeraro safballaaran ah ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka Bangaraafta dowladda Mareykanka tababartay iyo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Bariire.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dagaal culus uu hareeraha iyo gudaha Bariire ku dhaxmaray ciidamada huwanta ah iyo xoogaga Al Shabaab, dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay Buundada deegaanka.

Jugta qarax xooggan ayaa laga maqlay gudaha deegaanka kadibna waxaa bilaawday dagaal culus oo larumeysanyahay in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu geystay.

 

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa dagaalka kadib waxay madaafiic ku garaaceen beeraha aseendooyinka ah ee ku hareeraysan deegaanka Bariire, warar hordhac ah waxay sheegayaan in Meydadka 2 askari lagu arkay buundada Bariire.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in 2 diyaaradood oo Helicopters ah ay kusoo degeen goobta dagaalka waxayna daad gureeyeen Meydad iyo dhaawacyo, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Al Shabaab iyo taliska AMISOM oo ku saabsan dagaalkii Bariire ee aadka u xooganaa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items