Xoogaga Jihaadiga Taliban oo Weeraro Cagmarin ah ka fuliyay Koonfurta Afghanistan.

Sunday June 30, 2019 - 09:44:04 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Jihaadiga Taliban oo Weeraro Cagmarin ah ka fuliyay Koonfurta Afghanistan.

    Ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa markale guluf dagaaleed aad u ballaaran ku qaaday degmooyin dhaca Koonfurta wadankaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xukuumadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa markale guluf dagaaleed aad u ballaaran ku qaaday degmooyin dhaca Koonfurta wadankaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xukuumadda.



Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada Taliban ay weerar xoog kugal ah ku qaadeen saldhig melleteri oo kuyaal degmada Dahyiik oo katirsan gobolka Zaabul, weerarka oo ahaa mid aad uxooggan waxaa lagu dilay 35 askari oo uu kamid yahay taliye sare.

War kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in ciidamada mujaahidiintu ay qabsadeen saldhigga Booliska degmada ayna burburiyeen gaadiid gaashaaman iyo agabyo melleteri oo cadowgu lahaa.

 

Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Qandahaar ee dhaca Koonfurta Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada Imaarada Islaamiga ah ay weerar ballaaran ku qaadeen degmada Macruuf ee Istiraatiijiga ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka oo ku bilaawday camaliyad istish-haadi ah lagu dilay ugu yaraan 57 askari Afghaniyiin ah waxaana burburay saldhigyo melleteri, Afhayeen u hadlay Taliban ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalladu ay wali socdaan ciidamadooduna ay qabsadeen dhismayaal muhiim ah.

Horumarkan ay dagaallada ka sameynayaan xoogaga Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa qeyb ka ah Howlgalka loogu magac daray Al Fatxi ee xilliga Guga ka bilaawday Afghanistan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items