Daawo Video: Sheekh Sacuudiyaan ah oo sheegay in uu ka baxay Saxwada islaamiga ah uuna qaatay islaam Qunyar socod ah!

Sunday June 30, 2019 - 09:44:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Sheekh Sacuudiyaan ah oo sheegay in uu ka baxay Saxwada islaamiga ah uuna qaatay islaam Qunyar socod ah!

    Sheekh Dr Caa'id alqarni oo kamid ah culimada ugu caansan wadanka Sacuudiga ayaa si lama filaan ah u sheegay in uu ka baxay Saxwada islaamiga ah uuna qaatay islaam uu ku sheegay qunyar socod lajaan qaadi kara caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Dr Caa'id alqarni oo kamid ah culimada ugu caansan wadanka Sacuudiga ayaa si lama filaan ah u sheegay in uu ka baxay Saxwada islaamiga ah uuna qaatay islaam uu ku sheegay qunyar socod lajaan qaadi kara caalamka.

Wadaadkan oo lagu wareystay Barnaamijka Al-liiwaan ee ka baxa Telefeshinka Afka dowladda Aala Sacuud ku hadla ayaa sheegaya in uu ka cudur daaranayo kamid ahaashiyaha culimaa'udiinkii Saxwada Islaamiga dhulka Xarameynka.

Wuxuu sheegay in uu qaatay isbedelka uu ku dhawaaqay Max'med Bin Salmaan dhaxal sugaha Aala Sacuud ee ogolaanaya Ilxaadka iyo calmaaniyadda.

Al Qarni ayaa dib udhac iyo xagjirnimo ku tilmaamay Saxwada islaamiga ah ee ka istaagtay dhulka Jaziiradda Carabta waqti hadda laga joogo 50 sano, wuxuu aad u bogaadiyay Mabaa'diida wadaniyadda ee muslimiinta kala owdaysa.

 

lama oga in Sheekh Dr Caa'id Alqarni lagu qasbay hadallada xun ee uu ku hadaaqay iyo in uu si iskiis ah uga tanaasulay Mabda'iisa balse waxaa xusid mudan in xabsiyada dowladda Sacuudiga ay ku jiraan Tobanaan kun oo culimaa'udiin ah kuwaas oo diiday in ay u hoggaansamaan isbedelka diinka baxa ah ee Max'med Bin Salmaan uu lasoo shir tagay tan iyo markii loo magacaabay dhaxal sugaha wadanka.

Halkan ka degso Hadalka Al Qarni oo Afsoomali ku tarjumanama hoos ka Daawo

Related Items