Askar katirsan Maamulka Hirshabelle oo Buula Barde lagu dilay iyo Itoobiyaan lagu qarxiyay Halgan.

Saturday June 29, 2019 - 09:18:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar katirsan Maamulka Hirshabelle oo Buula Barde lagu dilay iyo Itoobiyaan lagu qarxiyay Halgan.

    Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacaydegmada Buulo Bure oo katirsan Wilaayada Hiiraan ee Bartamaha Dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacaydegmada Buulo Bure oo katirsan Wilaayada Hiiraan ee Bartamaha Dalka Soomaaliya.


Weerar aad u xooggan oo xoogagga Alshabaab ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha degmada Buulo Burde halkaasi oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Hirshabelle ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamadii la weeraray.

Inta la xaqiijiyay waxay ciidamada Al Shabaab weerarka gaadmada ah ku dileen Labo askari oo katirsanaa maleeshiyaadka Hirshabelle iyagoona kasoo furtay Labadii Qori AK47 oo ay ku hubeysnaayeen.



Dhinaca kale qarax xooggan ayaa lagu weeraray ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya xilli ay ku socdaalayeen gudaha deegaanka Halgan ee isla gobolka Hiiraan, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu uu helay ciidamo lugeynayay balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi



Related Items