Mid kamida Jeneraalada Ugu Sarreeya Ciidamada Itoobiya oo Geeriyooday.

Friday June 28, 2019 - 09:57:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamida Jeneraalada Ugu Sarreeya Ciidamada Itoobiya oo Geeriyooday.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa muddo laba isbuuc gudahood ah weysay labadii Jeneraal ee ugu sarreeyay ciidamada Melleteriga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa muddo laba isbuuc gudahood ah weysay labadii Jeneraal ee ugu sarreeyay ciidamada Melleteriga wadankaasi.



Warbaahinta maxalliga ah iyo midda caalamiga ah ayaa baahisay in uu geeriyooday Jeneraal sare oo katirsanaa Melleteriga Itoobiya kuna lug lahaa hagardaamada ay xabashidu umaleegtay muslimiinta ku dhaqan geeska qaaradda Afrika.

Jeneraal Abraha Woldemariam oo ahaa taliyihii ciidamada Itoobiya ee awoodda badan ku dhax lahaa melleteriga ayaa cudurka Sambaba xanuunka ugu dhintay Isbitaal kuyaal wadanka Thailand ee qaaradda Asia.

 

Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC-da Laanta Afka Tigreega in Jeneraal Abraha Woldemariam uu dhintay iyadoona xukuumadda Itoobiya ay si aad ah uqarisay warka ku saabsan geerida Jeneraalkan sababa la xiriira isagoo madax u ahaa kumanaan kun oo askari ahaana sarkaal saameyn amni iyo mid siyaasadeed ku dhax leh Itoobiya.

Jeneraal Abraha ayaa hadda taliye u ahaa ciidamada dowladda Gumeysiga Itoobiya ee gobolka Harar sidoo kale waxaa hoos imaan jiray ciidamada Xabashida ee xoogga ku heysta dhulka Soomaaligalbeed ee gumeysiga Itoobiya ku jira.

Isbuucii lasoo dhaafay ayaa bartamaha magaalada Addis Ababa lagu dilay Jeneraal Mykonin Syari oo ahaa taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Itoobiya, sidoo kale waxaa isbuucii lasoo dhaafay gobolka Amhara lagu dilay Jeneraal Asaminew Tsige oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay Inqilaabkii dhicisoobay.

Itoobiya ayaa maraysa marxalad halis ah waxaana madaxa iskula jira qowmiyadaha kala diimaha ee wadanka halka Jeneraalladii lasoo shaqeeyay Males Zenaawi ay shirqoollo umaleegayaan Abiy Axmed R/wasaaraha xukuumadda Itoobiya kaas oo tan iyo markii uu xilka qabtay lasoo shir tagay isbedello oo ku sheegayo in uu ku dhisayo Itoobiyada cusub.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items