Madaxweynihii Gobolka Amxaarada Itoobiya iyo Mas'uuliyiin kale oo ladilay.

Sunday June 23, 2019 - 09:08:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Gobolka Amxaarada Itoobiya iyo Mas'uuliyiin kale oo ladilay.

    Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay dagaallo xooggan oo shalay ka dhacay magaalada Bahirdar ee xarunta gobolka ismaamulka Amxaarada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay dagaallo xooggan oo shalay ka dhacay magaalada Bahirdar ee xarunta gobolka ismaamulka Amxaarada.



Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in mas'uuliyiin sarsare lagu dilay gobolka Amhara kadib markii uu dhacay isku day ladoonayay in lagu inqilaabo maamulka taabacsan dowladda Xabashida Itoobiya.

Warbaahinta rasmiga ah ee afka dowladda ku hadasha ayaa xaqiijisay in ladilay Ambachew Mekonne oo ahaa madaxweynihii gobolka Amhara islamarkaana ay isku dhowaayeen Abiy Axmed R/wasaaraha Itoobiya.

Xaaladda wadanka Itoobiya ayaa ah mid kacsan waxaana hawada laga saaray isgaarsiinta Taleefanada iyo Aala Internetka, dhinaca kale hubanti la'aan ayaa ka taagan xaaladda uu ku suganyahay taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya.


 

Warar soo baxay ayaa sheegayay in taliyuhu udhintay dhaawac kasoo gaaray toogasho xalay ka dhacday bartamaha magaalada Addis Ababa, Abiy Axmed ayaa goor sii horraysay xaqiijiyay in la dhaawacay Jeneraal Mykonin Syari isagoo kooxaha inqilaabka soo agaasimay ku tilmaamay calooshood ushaqeystayaal.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items