Wararkii Ugu Dambeeyay ee Inqilaabka: Taliyihii Guud ee Ciidanka Itoobiya oo lagu dilay Magaalada Addis Ababa.

Sunday June 23, 2019 - 07:02:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay ee Inqilaabka: Taliyihii Guud ee Ciidanka Itoobiya oo lagu dilay Magaalada Addis Ababa.

    Tobaneeyo qof oo u badan saraakiil iyo mas'uuliyiin ayaa lagu dilay wadanka Itoobiya kadib markii uu dhacay isku day Inqilaab oo ladoonayay in talada looga tuuro nidaamka uu madaxda ka yahay Abiy Axmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo qof oo u badan saraakiil iyo mas'uuliyiin ayaa lagu dilay wadanka Itoobiya kadib markii uu dhacay isku day Inqilaab oo ladoonayay in talada looga tuuro nidaamka uu madaxda ka yahay Abiy Axmed.

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa xaqiijinaya in ladilay Jeneraal Mykonin Syari oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada Xabashida Itoobiya, war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Addis Ababa ayaa lagu sheegay in mid kamida ilaalada Jeneraalka uu toogashada geystay kadibna gacanta lagu dhigay sida uu sheegay Afhayeenka xukuumadda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dilka Jeneraal Mykonin Syari uu qeyb ka ahaa isku day Inqilaab oo lagu doonayay in lagu bedelo maamulka wadanka, goor sii horraysay oo maanta ah ayaa la iclaamiyay in ladilay madaxweynihii ismaamulka gobolka Amhara iyo inta badan madaxdii gobolka.

 

Dowladda Itoobiya waxay sheeganaysaa in ay fashilisay Inqilaab melleteri oo ay soo abaabuleen kooxo ay ugu yeertay qaswadayaal balse illaa iyo hadda lama oga xaaladda ka jirta gudaha wadanka sababa laxiriira isgaarsiinta Taleefannada iyo Internetka oo hawada laga saaray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items