Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Muqdisho oo gaaray 31 dhimasho ah.

Saturday June 15, 2019 - 08:12:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Muqdisho oo gaaray 31 dhimasho ah.

    Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo waaweyn oo maanta ruxay magaalada Muqdisho kuwaas oo lala beegsaday laba koontarool oo xasaasi ah lagana ilaaliyo xarumaha ugu muhiimsan ee aadka u ilaaliso Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo waaweyn oo maanta ruxay magaalada Muqdisho kuwaas oo lala beegsaday laba koontarool oo xasaasi ah lagana ilaaliyo xarumaha ugu muhiimsan ee aadka u ilaaliso Dowladda Federaalka.


Xarakada Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyada qaraxyadan ayaa tilmaantay in ay weeraradan qeyb ka yihiin silsilado weeraro ah oo beegsanaya koontaroollada xasaasiga ah ee magaalada Muqdisho islamarkaana la doonayo in lagu naafeeyo hay'adaha amniga ee DF islamarkaana lagu wiiqo awood u leeyihiin in ay difaacaan xarumahooda.

Qaraxa ugu xooggan ee geystay khasaaraha ugu badan ayaa lagu beegsaday koontaroolka laga ilaaliyo xarunta baarlamaanka ee DFS waxaana uu sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismayaal dowladeed.

 


Qaraxan ayaa gabi ahaanba burburiyey koontaroolka halka sidoo kalena ay waxyeello xooggan soo gaartay dhismayaal dowladeed oo dhowr ah oo uu ku jiro dhismaha Baarlamaanka.

Xilliga uu qaraxu ka dhacayey waxaa xarunta Baarlamaanka fadhi ku lahaa xildhibaanada DF-ka, waxaana la sheegay in ay mar qura kala firxadeen markii ay maqleen jugta qaraxa kuna soo daatay saqafka hoolkii ay fadhiyeen.

Kaamirooyinka oo si toos ah u soo tabinayey kulanka ayaa soo qabtay xaalada argagax iyo kala carar ah oo hareysay xildhibaanadii ku sugneyd hoolka, waxaana ay isku jiirayey albaabada si ay uga baxsadeen weerarka.

"Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa noo sheegay in Qaraxan ay ku dhinteen ku dhawaad 20 ka tirsan cadowga oo u badnaa maleeshiyaatkii joogay koontaroolka halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tobanaan kale oo isugu jira askar, shaqaale, iyo mas'uuliyiin dowladeed" ayaa lagu yiri war lagasii daayay idaacadda Andalus.

Daqiiqado kadib waxaa qaraxaas xigay mid kale oo aad u xooggan kaas oo lala eegtay koontarool kale oo ka mid ah baraha laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kaas oo isna galaaftay nolosha askar badan oo ku sugnaa goobta.

Saraakiisha ka tirsan Mujaahidiinta ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in qaraxaas lagu dilay ugu yaraan 11 ka tirsan cadowga laguna dhaawacay tiro kalena, halka uu sidoo kale gabi ahaanba burburay koontaroolka la beegsaday.

Hay’adaha amniga ee DFS ayaa xiray inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho bandowna kusoo rogay degmooyinka gobolka Banaadir si ay u hor istaagaan weeraradda dagaalyahanada Al-Shabaab ee Muqdisho hadana sidaas oo ay tahay ilaa iyo hadda uma suuragalin inay ka hortagaan howlgalada Mujaahidiinta ee beegsanaya saldhigyadooda iyo xarumahooda aadka loo ilaaliyo.

Related Items