Norway oo Xasan Cali Kheyre ku Cadaadinaysa in uu Kenya uga tanaasulo Badda Soomaaliya.

Tuesday June 11, 2019 - 11:24:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Norway oo Xasan Cali Kheyre ku Cadaadinaysa in uu Kenya uga tanaasulo Badda Soomaaliya.

    Warar dheeraad ah ayaa laga helay socdaal ay magaalada Muqdisho ku timid haweenayda hoggaamisa wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Norway.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa laga helay socdaal ay magaalada Muqdisho ku timid haweenayda hoggaamisa wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Norway.



Ine Marie Eriksen Søreide ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan kula qaadatay Xasan Cali Kheyre oo ah muwaadin heysta dhalashada Norway iyo wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Norway ay usoo bandhigtay dowladda Federaalka in caadi lagusoo celiyo xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Kenya islamarkaana xal laga gaaro murunka ka dhashay shidaal baarista laga sameynayo xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Norway oo gacanta ku heysa mashruuca shidaalka Soomaaliya lagu boobayo ayaa xusulduub ugu jirta in DF-ka ay ku qanciso sidii ay uga tanaasuli laheyd qeyb kamid ah Badda Soomaaliya.



Ine Marie Eriksen Søreide wasiiradda arrimaha dibadda Norway ayaa Muqdisho ku tagtay diyaarad khaas ah oo dowladda Kenya ay leedahay arrinkaas oo muujinaya in labada dowladood ay ka go'ntahay socodsiinta mashruuca lagu boobayo Kheyraadka dalka.

Dowladda Norway ayaa galaangal ku leh siyaasadda Soomaaliya waxayna dowladda Federaalka ku dhax leedahay wasiirro iyo mas'uuliyiin dhalashadeeda heysta oo uu ugu horreeyo Xasan Cali Kheyre.

Related Items