Dagaallo udhaxeeya Ciidamada Al Shabaab iyo AMISOM oo ka dhacay degmada Qoryooleey.

Tuesday June 11, 2019 - 11:05:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo udhaxeeya Ciidamada Al Shabaab iyo AMISOM oo ka dhacay degmada Qoryooleey.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro ku ekeeyay saldhigyada ciidamada AMISOM ay uga suganyihiin degmada Qoryooleey ee Shabeellaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro ku ekeeyay saldhigyada ciidamada AMISOM ay uga suganyihiin degmada Qoryooleey ee Shabeellaha hoose.

Iska Hor'imaadyo xooggan ayaa markale ka dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Qoryooleey oo kamid ah magaalooyinka ku jira gacanta ciidamada shisheeye.

Wararka ka imaanaya Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dhowr jiho ka weerareen saldhigga ciidamada Uganda ee kuyaal agagaarka Buundada Qoryooleey, dadka deegaanka ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay dagaal in mudda ah socday.

Weerarka ugu xooggan waxaa xalay lakulmay saldhigyo ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya uga sugnaayeen gudaha degmada Qoryooleey, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weeraray saldhigyada maleeshiyaadka dowladda.

 

Sawaxanka Takbiirta ciidamada Al Shabaab ayaa laga maqlayay dhowr xaafadood oo katirsan degmada Qoryooleey balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalladii xalay.

Related Items