Yuusuf Daabageed Oo Xiriirka ujaray Maamulka Hirshabelle iyo Sarkaal lagu dhaawacay Jawiil.

Sunday June 09, 2019 - 11:23:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Daabageed Oo Xiriirka ujaray Maamulka Hirshabelle iyo Sarkaal lagu dhaawacay Jawiil.

    Xiisado siyaasadeed ayaa ka jira gobolka Hiiraan maalin kadib markii uu hoggaamiyaha maamulka Hirshabelle shaqada Eryay Yuusuf Dabageed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisado siyaasadeed ayaa ka jira gobolka Hiiraan maalin kadib markii uu hoggaamiyaha maamulka Hirshabelle shaqada Eryay Yuusuf Dabageed.



Shir Jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Beled Weyne ayuu Yuusuf Dabageed ugasoo horjeestay xilka qaadistii lagu sameeyay isagoo iclaamiyay in gobolka Hiiraan uu xiriirka ujaray maamulka Hirshabelle wuxuuna ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka in ay soo farageliyaan xaaladda siyaasadeed ee gobolka ka taagan.

Dabageed wuxuu waxba kama jiraan uga dhigay xilka qaadista lagu sameeyay in dastuurka maamulka 'Hirshabeelle' uusan ogoleyn in madaxweynuhu uu xilka qaadis sameyn karo isagoo dibadda ku maqan.



Boqolaal maleeshiyaad daacad u ah Dabageed ayaa la wareegay inta badan xarumaha maamulka Beled Weyne waxaana magaalada ka dhacay dibad baxyo loogasoo horjeedo Max'med Cabdi Waare hoggaamiyaha maamulka 'Hirshabelle.

 

dhinaca kale Sarkaal lagu magacaabo Axmad Sheekh kanatirsan qeybta maaliyadda ee maamulka Baladweyn ayaa lagu dhaawacay deegaanka Jawiil ee isla gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in dhaawaca sarkaalkan uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada DF kadib markii muran soo soo dhex galay, sarkaalka ayaa waxaa loola cararay isbitaal isagoo ay xaaladdiisu liidato. Arrintan ayaa kusoo aaday iyadoo ay maalintii labaad xiisad ka taagan tahay magaalada Baladweyne

Related Items