Weerar 200 oo Qof ay ku dhinteen oo ka dhacay Wadanka Sri Lanka.

Sunday April 21, 2019 - 11:26:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 200 oo Qof ay ku dhinteen oo ka dhacay Wadanka Sri Lanka.

    Tobanaan qof ayaa ku dhimatay silsillado qaraxyo ah oo lagu beegsaday magaalooyin katirsan wadanka Sri Lanka ee dhaca Koonfur Bari qaaradda Asia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof ayaa ku dhimatay silsillado qaraxyo ah oo lagu beegsaday magaalooyin katirsan wadanka Sri Lanka ee dhaca Koonfur Bari qaaradda Asia.


Qaraxyada oo lala beegsaday illaa 6 goob oo sedax kamida ay yihiin Kaniisado ayaa dhaliyay dhimashada 156 qof oo ay kamid yihiin dad ajaanib dalxiisayaal ah.

Taliyaha Booliska Srlanka ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in dadka dhintay ay kamid yihiin 35 qof ajaanib ah, mid kamida qaraxyada ayaa ka dhacay magaalada Colombo ee caasimadda u ah wadanka Sri Lanka, weeraradan ayaa lagusoo aaddiyay xilli wadanka ay ka dhacayeen ciid gaaleed ay lahaayeen dadka Nasaarada ah.

 

Mid kamida qaraxyada wuxuu ka dhacay meel ku dhow guriga R/wasaaraha waxaana ku dhintay hal qof sida ay sheegeen saraakiisha Booliska.

Qaraxyada ayaa imaanaya xilli bishii lasoo dhaafay ay dowladda Sri Lanka xaalad degdeg ah kusoo rogtay wadanka kadib markii Kooxo Buudiyiin gaala ah ay gubeen masjiid ay leeyihiin dadka muslimiinta ah ayna boobeen dukaamo ganacsi iyo kaabayaal dhammaantood ay leeyihiin muslimiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items