Al Shabaab Oo Qarax Ku dishay Guddoomiye Ku xigeenkii degmada Maxaas iyo Ciidamo ilaala u ahaa.

Friday April 19, 2019 - 09:29:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Qarax Ku dishay Guddoomiye Ku xigeenkii degmada Maxaas iyo Ciidamo ilaala u ahaa.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax aad u xooggan oo mas'uuliyiin katirsan maamulka isku magacaabay Hirshabelle lagula beegsaday gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax aad u xooggan oo mas'uuliyiin katirsan maamulka isku magacaabay Hirshabelle lagula beegsaday gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay bartamaha degmada Maxaas lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada,sarkaal boolis iyo ciidamo ilaala u ahaa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ka dhacay goob isku imaatin ah oo askarta iyo saraakiisha dowladda ay ku cunayeen Maandooriyaha Khaatka uu ku dhintay Cabdi Rashid Cusmaan Carab oo ahaa guddoomiye ku xigeenka degmada Maxaas iyo Afar askari oo kamid ahaa ciidamada ilaalada u ah.

 


Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiisha ku dhintay qaraxa uu kamid yahay sarkaal Boolis , Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan khasaaraha badan dhaliyay, degmada Maxaas waxaa gummeysi ku heysta ciidamada Xabashida Itoobiya balse waxaa indho u ah maleeshiyaad Soomaali dabadhilifyo ah.

Dhinaca kale gaari Tiknika ah ayaa lagu gubay qarax xooggan oo maanta ka dhacay deegaanka Mareereey ee duleedka degmada Afgooye, ilo wareedyo ayaa sheegaya in gabi ahaanba uu burburay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyadka Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items