Ciidamo Katirsan DF oo ku dhintay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Warmaxan Ee Sh/hoose.

Saturday April 20, 2019 - 09:29:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsan DF oo ku dhintay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Warmaxan Ee Sh/hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala beegsaday ciidamada dowladda Federaalka ee Mareykanku tababaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala beegsaday ciidamada dowladda Federaalka ee Mareykanku tababaray.

Qarax xooggan ayaa maanta gelinkii dambe duleedka deegaanka Warmaxan lagula beegsaday gaari Booyad ah oo uu shidaal usiday maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 askari ay ku dhinteen qaraxa iyadoona burbur xooggan uu gaaray gaariga booyadda ah ee qaraxu haleelay.

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidamada dowladda Federaalka shalay lagula beegsaday deegaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye.

 

Dhimashada ciidamada dowladda ayaa gaartay 6 askari waxaana kamid ahaa sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada saldhigga ku leh deegaannada Sabiid iyo Mareereey, khasaarahan ayaa ciidamada soo gaaray kadib markii gaari Cabdi Bile ah uu qabsaday qarax miino.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items