Talibaan oo soo Bandhigtay Sawirrada Naftood Hurayaal Fuliyay Weerar Halyaynimo [Sawirro].

Tuesday April 16, 2019 - 08:35:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talibaan oo soo Bandhigtay Sawirrada Naftood Hurayaal Fuliyay Weerar Halyaynimo [Sawirro].

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal istish-haadi ah oo ciidamada imaarada Islaamiga Afghanistan ay ka fuliyeen mid kamida gobollada uu ka holcayo dagaalka jihaadka ah ee wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal istish-haadi ah oo ciidamada imaarada Islaamiga Afghanistan ay ka fuliyeen mid kamida gobollada uu ka holcayo dagaalka jihaadka ah ee wadanka Afghanistan.


War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah ayaa lagu faah faahiyay camaliyad istish-haadi ah oo mujaahidiinta imaarada ay shalay ka fuliyeen saldhig melleteri oo ay ku sugnaayeen ciiidamada xukuumadda dabadhilifka Kaabuul.

Ugu horrayn weerarka ayaa lagu daah furay laba camaliyadood oo istish-haadi ah oo ay fuliyeen mujaahidiin kaxaynayay gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay waxaana lagu dhuftay albaabka saldhigga cadowga ee degmada Shiirzaad ee wilaayada Nangahaar.


 
Sida lagu sheegay warka kasoo baxay imaarada islaamiga ah markii labada camaliyadood lagu burburiyay albaabka saldhigga ayay ciidamo inqimaasiyiin mujaahidiin ah gudaha saldhigga udaateen halkaas oo ay ku laayeen ciidamo badan oo katirsan kuwa cumalada u ah saliibiyiinta mareykanka.

Sheekh dabiixullaahi Mujaahid oo uhadlay imaarada islaamiga Afghanistan ayaa sheegay in weerarkaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 130 askari waxaana aad u yaraa ciidamada ka badbaaday weerarka oo guud ahaan tiradooda lagu sheegay 200 oo askari.

Camaliyadan ay 'mujaahidiintu' ka fuliyeen gobolka Nangahaar ayaa qeyb ka ah Howlgallada xilliga Guga Alfatxi ee mujaahidiinta imaarada islaamiga ah ay ku dhawaaqeen maalintii khamiista ee lasoo dhaafay.

Hoggaanka Taliban ayaa baahiyay sawirrada ciidamadii weerarka fuliyay xilli ay ku tababaranayeen dhulka buuraha Afghanistan ee caanka ku ah dagaalka jihaadka, dagaalyahannada ayaa saldhigyada melletetiga ku qaatay dhammaan hababka dagaalka ugu dambeyna waxay tiigsadeen wixii ay muddo sanada ah u halgamayeen.



 
 
 

Related Items