Al Shabaab Oo Weeraro Khasaara dhaliyay ka geysatay Kismaayo iyo Afgooye.

Saturday April 13, 2019 - 08:05:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weeraro Khasaara dhaliyay ka geysatay Kismaayo iyo Afgooye.

    Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala beegsaday ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala beegsaday ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland.


Xalay fiidkii ayaa weerar loo adeegsaday Bambaano nuuca gacanta laga tuura ah waxaa lagu beegsaday isku imaatin ay maandooriyaha khaadka ku cunayeen ciidamada maamulka dagaal Ooge Axmed Madoobe.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan 9 askari ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxa waxaana loola cararay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, qaraxa kadib ayaa lamaqlay rasaas xooggan oo ay furayeen ciidamo kale oo goobta soo gaaray.


 

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa xalay weeraro xooggan ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee Sh/Hoose sidoo kale Al Shabaab ayaa maanta barqadii weerartay ciidamada dowladda ee saldhigga ku leh deegaanka Sabiid ee duleedka Afgooye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items