Ciidamo Katirsan DF oo maalintii 2aad ku dagaallamay Muqdisho.

Saturday April 13, 2019 - 08:05:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsan DF oo maalintii 2aad ku dagaallamay Muqdisho.

    Iska hor'imaadyo xooggan ayaa maalintii labaad oo xiriir ah ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaxmaray xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa maalintii labaad oo xiriir ah ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaxmaray xaafado katirsan magaalada Muqdisho.


Iska hor'imaad xooggan oo maanta duhurkii ciidamada Booliska iyo kuwa Melleteriga ku dhaxmaray isgoyska Baar Ayaan ayaa sababay dhimashada 2 askari oo katirsanaa ciidamada Booliska.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo Melleteri ah ay weerareen jidgooyo ay ciidamada Boolisku dhigteen halka loo yaqaan Baar ayaan waxaana halkaasi ka dhacay iska hor'imaad muddo daqiiqada ah socday.

Ciidamada weeraray Booliska ayaa kamid ahaa boqolaal askari oo iyagoo gadood bishii lasoo dhaafay kasoo baxay gobollada gobollada shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

 

Shalay ayay aheyd markii iska hor'imaadyo khasaara dhaliyay ay labada ciidan ku dhaxmareen degmooyinka Kaaraan iyo Shibis ee magaalada Muqdisho, dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa 2 qof shacab ah ku toogtay isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, sida ay sheegeen dadka deegaanka laba ruux ee latoogtay ayaa watay gaari nuuciisu yahay NOAHA iyadoona Meydadkooda muddo daqiiqada ah ay yiilleen wadad laamiga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items