Daawo Video: Melleteriga Suudaan Oo Iclaamiyay in laxiray Al Bashiir iyo Kaaliyaashii Kadib Afgambi Melleteri.

Thursday April 11, 2019 - 08:30:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Melleteriga Suudaan Oo Iclaamiyay in laxiray Al Bashiir iyo Kaaliyaashii Kadib Afgambi Melleteri.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Melleteriga wadanka Suudaan ayaa lagu sheegay in ay xididda siibeen nidaamkii uu madaxda ka ahaa Cumar Xasan Al Bashiir oo muddo 3 sanadood ah wadanka maamulayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Melleteriga wadanka Suudaan ayaa lagu sheegay in ay xididda siibeen nidaamkii uu madaxda ka ahaa Cumar Xasan Al Bashiir oo muddo 3 sanadood ah wadanka maamulayay.


Bayaan kasoo baxay Ciidanka Suudaan oo uu Telefeshinka Afka dowladda ku hadla ka akhriyay Jeneraal Cawad Bin Cowf oo ah wasiirka difaaca ayaa lagu sheegay in laxiray Al Bashiir iyo saraakiishii ku dhowaa kadib markii ay si qalafsan ula dhaqmeen shacabka kacdoonka dhigaya.

Taliska ciidamada qalabka sida ee Suudaan waxay ku dhawaaqeen in lakala diray dhammaan golayaashii xukuumadda sida Baarlamaanka,Maamulladii Gobollada iyo Golaha Wasiirrada islamarkaana la baabi'iyay dastuurkii wadanka u degsanaa ee la ansixiyay sanaddii 2005.

 

Golaha KMG ah ee Melleteriga Suudaan wuxuu iclaamiyay in xaalad degdeg ah oo socanaysa muddo sedax bil ah wadanka lagusoo rogay islamarkaana muddo laba sana ah gudahood lasoo dhisi doono dowlad dhammeystiran oo bedeli doonta xukuumaddii Al Bashiir.

Bayaanka kasoo baxay Melleteriga Suudaan marna laguma sheegin in golahan cusub uu aqbali doono waxa ay doonayaan shacabka kacdoonka wada balse waxaa bayaanka lagu sheegay in Al Bashiir laxiray laguna hayo goob ammaan ah.

Hoos Ka Daawo Bayaanka iclaaminta Inqilaabta Melleteri ee Suudaan.


Related Items