Al Shabaab Oo Weerar Madaafiic ah Ku Qaadday Saldhigga Ciidanka Itoobiya Ee Baydhabo.

Friday April 12, 2019 - 08:30:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Madaafiic ah Ku Qaadday Saldhigga Ciidanka Itoobiya Ee Baydhabo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin gobollada Bay iyo Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin gobollada Bay iyo Bakool.


Xoogagga Al Shabaab ayaa maanta gelinkii dambe weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, ilo wareedyo ayaa sheegay in madaafiicdu ay ku hoobteen gudaha saldhigga ciidamada Xabashida.

Dab ayaa qabsaday qaar kamid ah Teendhooyinka ciidamada Itoobiya ee weerarka madaafiicda ah lagu qaaday, dad ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo ka dhashay madaafiicda ciidamada Itoobiya lagu weeraray.

 


Dhinaca kale iska hor'imaadyo xooggan ayaa caawa maqribkii ka dhacay degmada Buula Mareer ee gobolka Sh/Hoose, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weeraray saldhigyada ciidamada AMISOM ee gudaha magaalada balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items