Taliyaha Ciidanka Falcelinta degdegga ah Ee Suudaan oo Mucaaraday Golaha Melleteriga Ee Inqilaabka sameeyay.

Friday April 12, 2019 - 08:30:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Falcelinta degdegga ah Ee Suudaan oo Mucaaraday Golaha Melleteriga Ee Inqilaabka sameeyay.

    Kala qeybsanaan xooggan ayaa durbadiiba soo kala dhaxgashay ciidanka Melleteriga wadanka Suudaan maalin kadib markii ay xilka ka tuureen Cumar Xasan Al Bashiir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kala qeybsanaan xooggan ayaa durbadiiba soo kala dhaxgashay ciidanka Melleteriga wadanka Suudaan maalin kadib markii ay xilka ka tuureen Cumar Xasan Al Bashiir.

Taliyaha ugu sarreeya ciidamada falcelinta degdegga ah ee qaabilsan ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa diiday in uu ka qeyb galo Golaha Melleteriga KMG ah ee shalay uu dhisay Jeneraal Cawad Bin Cowf oo ah Ninka isku magacaabay hoggaanka maamulka Suudaan.

Jeneraal Muxamed Xamdaan oo ah taliyaha ciidanka Falcelinta ayaa warbaahinta u sheegay in uu ka cudur daaranayo ka qeyb galka Golaha Melleteriga arrinkaas oo muujinaya in ay dhabarka isku jeediyeen ciidamada ugu awoodda badan ee wadanka Suudaan.

 


Jeneraal Xamdaan ayaa hoggaamiye u ahaa ciidamada Falcelinta degdegga ah oo si indha la'aan ah utaageeri jiray Cumar Xasan Al Bashiir balse bilihii dambe ayay ku baaqayeen in wax laga qabto cabashooyinka ka imaanaya shacabka Suudaan ee kacdoonnada dhigaya.

Lama oga jawaab celinta ka imaan doonta golaha Melleteriga KMG ah ee wadanka Suudaan oo ay ku mideysanyihiin Jeneraalladii ay wadanka isla maamulayeen Al Bashiir 30-kii sanadood ee lasoo dhaafay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items