Wargeys Mareykanka laga leeyahay Oo Warbixin yaab leh ka qoray Socdaalka Xasan Cali Kheyre ee Magaalada Washington [Warbixin].

Wednesday April 10, 2019 - 11:01:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeys Mareykanka laga leeyahay Oo Warbixin yaab leh ka qoray Socdaalka Xasan Cali Kheyre ee Magaalada Washington [Warbixin].

    R/wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyr ayaa Isniintii la soo dhaafay gaaray magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka halkaas oo uu kulakulmay madax katirsan dowladda Mareykanka iyo saraakiil ka tirsan Bankiga aduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyr ayaa Isniintii la soo dhaafay gaaray magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka halkaas oo uu kulakulmay madax katirsan dowladda Mareykanka iyo saraakiil ka tirsan Bankiga aduunka.


Socdaalka Kheyre ayaa imaanaya iyadoo xaaladdii ugu liidatay ay ku jirto dowladda Federaalka islamarkaana ay u kulmeen caqabado dhowr ah oo ay ugu horreyso weerarada Al Shabaab oo sii xoogeystay iyo ciidamada AMISOM oo dib kaga guranaya magaalooyinkii ay qabsadeen sanadihii ugu horeeyey ee dagaalka.

Wargeys lagu magacaabo Washington Ig-Zaaminer oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa soo daabacay warbixin dheer oo uu kaga faalloonaya booqashada Kheyre ee Washington.



 

Wargeyska ayaa tibaaxay in xilli isbaheysiga AMISOM uu sheegayo in uu heer gabagabo marayo howlgalkooda hadana in aanan kalsooni dhameystiran lagu qabin in Xukuumada Farmaajo ay hanato awoodda maamul ee wadanka haddii ay baxaan ciidamada shisheeye.

Wargeyska ayaa tusaale ahaan usoo qaatay in ciidamada Midowga Afrika ay dhawaan isaga baxeen deegaano dhowr ah oo qaarkood ku yaalla meelo u dhow caasimadda islamarkaana ay goobahaas durbaba la wareegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Intaas waxaa sii dheer buu yiri ciidamada amaaanka oo aan awood u lahayn in ay ka hortagaan weerarada Xarakada Al-Shabaab ee wadanka xitaa kuwa ka dhacaya bartamaha caasimadda.

Xasan Cali kheyre ayaa la filayaa in uu la kumo madax ka socota hay’adda lacagta dunida, Bankiga Adduunka, xubno ka tirsan Congresska iyo wazaaradaha arrimaha dibadda Mareykanka si uu kaga dalbado kaalmo dhaqaale oo uu u rabo dowladooda taagta daran balse wargeyska Washington Ig-Zaaminer ayaa soo bandhigaya su’aallo dhowr ah oo ay tahay in la weydiiyo Farmaajo ka hor inta aanan lasiinin taageerada dhaqaale ee uu ka doonayo Mareykanka iyo beesha caalamka.

Su’aasha ugu horreyso ee uu soo bandhigay wargeyska ayaa ah halka lagu bixiyo lacagaha fara badan ee sanad waliba kaalmo ahaan loo siiyo dowladda Federaalka, waxaana uu tilmaamay in Mareykanka oo kaliya uu DF siiyo lacag gaareyso illaa 900 oo milyan oo dollar, halka beesha caalamkana uu tilmaamay in ay bixiso lacag intaas kasii badan. Wuxuu wargeysku leeyahay waa in Ra’isul wazaaraha la weydiiyaa ma jiraan wax hormar ah oo ay xaqiijisay lacagtaas haddii ay tahay amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo awoodda dhul maamulka intaba.

Su’aasha xigta uu soo bandhigay waregyska ayaa ah waa maxay qorshaha la doonayo in lagu xaliyo musuq maasuqa, wuxuu leeyahay Soomaaliya in ka badan 10 sano ah waxay kaalinta ugu hooseeya kaga jirtay liiska wadamada ka hufan musuq-maasuqa sidaas darteed waa maxay sababta uu Mareykanka iyo hay’adaha caalamigaba ay lacag xooggan ugu bixinayaan wadan la ogaaday inuu ka musuq-maasuq badan yahay Venezuela, Afghanistan, iyo waqooyiga Kuuriya, maxayse dowladda hadda jirta ka qabatay musuq-maasuqa, imise waziir ama xoghaye ay u ceyrisay musuq-maasuq dartii tan iyo markii aad xilka qabatay?.

Su’aasha xigta ee uu soo bandhigay wargeyska ayaa ah sababta uu had iyo jeer safar uun ugu jiro madaxweynaha dowladda Federaalka wuxuuna wargeysku leeyahay "Farmaajo ayaa la wareegay talada wadanka isagoo aad u cambaareynaya safarrada ay madaxdii hore ku aadi jireen dibadda balse si ka duwan halkii uu isagu ka gedisnaan lahaa madaxda uu cambaareynayey kuna koobanaan lahaa magaalada Muqdisho, wuxuu Farmaajo noqday madaxweynihii ugu safarka badnaa dalka, wuxuuna isaga dakeeyaa duulimaatyada raaxada ee gaarka ah isagoo isaga daba meereysanaya wadamada dibada wakhti uu wadanku amni xumo la gilgilanayo. Waa in la weydiiyaa muxuu Farmaajo ka raadiyaa dibadaha, howshaasina miyeysan ahayn shaqada wazaarada arimaha dibadda"

Su’aasha kale oo ahayd mid ku saabsaneyd arrimaha amniga ayaa oraneysay "Xukuumada Soomaaliya ma bad-baadi doonta haddii ay baxaan ciidamada AMISOM" waxaana uu wargeysku tibaaxayaa in ujeedka howlgalka loo igmaday AMISOM uusan ku koobneyn kaliya la dagaalanka Mujaahidiinta Al-Shabaab balse uu sidoo kale kamid ahaa inay DF fursad u hesho sidii ay dib u dhis ugu sameyn lahayd ciidankeeda laakiin ciidanku weli waa kuwo ka cabanaya mushaar la’aan.

"Haddii hadda ciidamada AMISOM ay dib ugu noqdaan wadamadooda waxay ka dhigan tahay in wadanka la isaga tagay isagoo aanan la dhisin ciidan shaqeeya oo awood leh, Sidaas darteed waa in kheyre la hordhigaa buu leeyahay wargeyska" Waa ayyo cidda lunsatay mushaarka ciidanka, mase fileysaa in ay dowladaadu iska caabin karto Xarakada Al-Shabaab haddii ciidankaagu uusan lahayn awood uu ku dagaalamo?.

Su’aasha xigta oo ku saabsaneyd masaalixda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa iyaduna u dhaceysay sidatan " Haddii aad dooneysaan taageerada Mareykanka, Maxaad Shiinaha uga iibsateen Leysanada Kulluunka Soomaaliya?, wuxuuna wargeysku yiri, "waa in Xasan Cali Kheyre lagu yiraahdo, waxaad joogtaa Washington adigoo naga dalbanaya taageero dheeraad ah hadana dowladaada waxay Shiinaha ka iibisay Leysano u sharciyeynaya inay gurtaan Kalluunka Soomaaliya".

Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyey ku loolamayey awoodda qaarada Afrika wuxuuna Mareykanka uu shiinuhu u arkaa mid halis ku ah danahooda Soomaaliya.

Qeybaha dambe ee su’aalaha uu soo bandhigey wargeyska ayaa gaarayey ilaa 10 su’aalood waxayna su’aalaha ugu dambeeya ay u badnaayeen kuwo ku saabsan awooodda ay Soomaaliya ka raadinayaan dowladaha kale ee uu Mareykanka u arko inay halis ku yihiin awoodooda bariga Africa.

Wuxuu sidoo uu soo hadal qaaday go’aankii dowladda Federaalka a ee dhawaan ay ka istaagtay tallaabadii uu Trump Buulaha Al-jowlaan ugu aqoonsaday dhul ay leedahay Yahuudda waxaana uu wargeysku leeyahay waa in dowladda Soomaaliya loo sheegaa in aysan qadiyadda Filistiin iyo Yahuudda ka noqon Karin dhexdhexaad oo ay ku daba feyshaa siyaasada Mareykanka iyo Israa’iil.

Sidoo kale wargeysku wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in Kheyre la weydiiyo sababto ay maxkamada caalamiga uga dalbadeen in ay dhexdhexaadiso doodda u dhexeysa iyaga iyo dowladda Kenya, iyagoo aanan amar iyo go’aan ka sugin dowladda Mareykank taas oo ahayd caalamad kale oo banaanka soo dhigtay in xukuumadda Muqdisho iyo madaxdoodu ay yihiin shaqaale looga taliyo aqalka cad ee Mareykanka

Related Items