Rabshado Ay Dad badan ku dhinteen Oo ka dhacay Gobolka Amxaarada Itoobiya.

Monday April 08, 2019 - 08:58:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rabshado Ay Dad badan ku dhinteen Oo ka dhacay Gobolka Amxaarada Itoobiya.

    Dibad baxyo rabshado wata ayaa ka bilaawday mid kamida gobollada ugu caansan wadanka Xabashida Itoobiya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo rabshado wata ayaa ka bilaawday mid kamida gobollada ugu caansan wadanka Xabashida Itoobiya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.



Wararka ka imaanaya gobolka Amhara oo ay degto qowmiyadda Amxaarada ayaa sheegaya in ugu yaraan 9 qof shacab ah ay dhinteen kadib dibad baxyo xooggan oo halkaas ka dhacay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Booliska Itoobiya ay toogteen dad ku sugnaa magaalada DebreBirhan kuwaas oo lagu eedeeyay in ay kicinayeen dhiillada colaadeed ee ka taagan mandiqadda Shoa.

Rabshadaha ay dhigayaan dadka Amxaarada waxaa barbar socda dagaallo tobaneeyo qof ay ku dhinteen oo dhaxmaray jilibyo kawada tirsan qowmiyadda Amxaarada.


 

Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in kumanaan ciidamo ah loo diray deegaannada colaaduhu ka socdaan ayn dadaal ugu jiraan sidii ay udajin lahaayeen xiisadaha.

Sanad walba gudaha Itoobiya kumanaan kun oo qof ayaa ugu dhinta dagaallo ku saleysan murun dhuleed iyo aanooyin dhanka qowmiyadaha ah waxayna colaadaha Itoobiya sii xoogeysteen tan iyo markii uu R/wasaare noqday Abeey Axmed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items