Qaraxyo ay Ku dhinteen 8 Askari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Duleedka Afgooye.

Tuesday April 09, 2019 - 08:58:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo ay Ku dhinteen 8 Askari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Duleedka Afgooye.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lala eegtay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lala eegtay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.



Ugu yaraan 7 Askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa dhimatay kadib markii qarax miino uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo marayay inta udhaxaysa deegaannada Sabiid iyo Mareereey oo dhammaantood dhaca duleedka degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose.

Sarkaal Taliye horin ah oo magaciisa lagusoo gaabiyay Max'med Dheere ayaa la sheegay in uu kamid ahaa askartii ku dhimatay qaraxa ka dhacay duleedka Afgooye.
 


Dhinaca kale ciidamo katirsan dowladda ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax xooggan oo maanta baqaradii lagula eegtay waqooyiga magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in hal askari uu dhintay mid kalane uu dhaawacmay kadib markii qarax lala helay ciidamo ku socdaalayay agagaarka halka loo yaqaan S-Company, wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa kadib ay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliska ay rasaas ku fureen wadada hareeraheeda.

Qaraxyada iyo dilalka ayaa wali joogta ah magaalada Muqdisho xilli Xukuumadda Kheyre ay ku dhawaaqday in xaalad deg deg ah kusoo rogtay magaalada islamaraana ay xirtay dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items